shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Ingiriiska oo olole diblamaasiyadeed ugu jirta sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland

(London, Feb 09, 2012 Ceegaag Online)

Warar naga soo gaadhaya xafiiska arimaha dibada ee wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya inuu dardar iyo sidii luugu talo galay ku socdo shirka hoosaasinta ah ee  Soomaalida loogu qabanayo magaalada London. 

Mar wax laga waydiiyay ninka isagu masuulka uga ah dawlada Ingiriiska arimaha qaarada Afrika Mr. Henry Bellingham  ayuu si aan gabosho lahay u sheegay in uu doonayo in Ingiriisku siiyo Somaliland fursad ay danahooda “Gooni Isutaagooda” ugu gudbistaan awooda ka hadhay awoodihii ku herdami jiray ku amar tukaalaynta calaamka 60 kii sano ee tagay waa dawlada USA.   Dhagayso Hadalkiisa

Dawlada Maraykanka ayaa iyadu ku adkaysanasa in Soomaaliya loo daayo sideeda oo aan lakala goyn sababta oo ah wax dana oo ay ka helayaan inaysan jirin kala goynta Soomaaliya. Dawlada Maraykankuna waxay  iyadu uga hadashaa maamul goboleedada sidatan “Administrations in the northwest (Somaliland) and northeast (Puntland) areas of the country do not recognize the results of the Djibouti Conference”(State Department) Xafiiska arimaha dibada ee Maraykanka.

Dhinaca kale dawlda federalka Soomaaliya ayaa aysan cadayn mowqifkeeda ku aadan dabinka ay dawlda Ingiriisku la damac santahay dawladnimada Soomaaliya. Hadaba Su'aasha meesha ku jirtaa waxa weeye Maraykanka oo ay haatan Siyaasadiisa Arimaha dibada ay hor kacaso Hilary Clinton oo ah Haweenay aad u khibrad badan oo ah ruug cadaa kusoo daashay arimaha caalamka ma ka ogolaandoontaa doonitaanka Saxiibkeeda 1aad ee dunidu ku doonayo gooni isutaaga maamulka Somaliand?

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com