shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo gaashaan buureesanaya Ciidamada Itoobiya ayaa galabta 3:00PM saacada Soomaaliya  la wareegay Magaalada Baydhabo

(Baydhabo, Feb 22, 2012 Ceegaag Online)

Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo gaashaan buureesanaya Ciidamada Itoobiya ayaa galabta 3:00PM  la wareegay Magaalada Baydhabo kadib markii aysoo jiidheen difaacii adkaa ee kooxda  Al-qaacida ka samaysteen deegaanada Yurkud, Bohol Bashiir iyo degmada Bardaale.

Guushan ay ka soo hooyeen ciidamadu ayaa timid kadib markii aydalka yimaadeen ciidamo badan oo si hagaagsan loo soo tababaray, dhinaca kalena ay ciidanka dalka gacanta ku qabteen Hadhaagii Ciidamadii birta calaashan jiray ee qaranka Soomaaliya ku maamuusnaan jiray sanadadii 70aadkii iyo 80aadkii.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com