shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beelaha Dhexe ee Somaliland oo ku mashquulsan siday go'aan mideysan ula tagi lahaayeen shirka London iyo Jaaliyadaha Khatumo State iyo Awdal State oo ku mashquulsan xaflado

(Adis-Ababa  Feb 08, 2012  Ceegaag Online)

Waxaa nasiibdaro kowaad ah: In shacab weynaha Maamuladda Khaatumo State iyo Awdal State iyo Beesha warsangali ay ku mashquulsan yihiin xafladdo kuna bixinayaan lacago aad iyo aad u fara badan, halka siyaasiyiinta beelaha Dhexe ee Somaliland ay ku mashquulsan yihiin sidey mowqif mideysan ula tagi lahaayeen shirka London, iyagoo beesha caalamka waydiisanaya aqoonsi, ila markaana sheeganaya inay wakiil ka yihiin degaanadda Awdal, Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa nasiibdaro labaad ah: Inaan Masuuliyiinta Awdal State iyo Khaatumo State aan midkoodna lagu casumin shirka London, halka Somaliland lagu casumay lana siin doono maqaan sare, oo ka sareeya maamuladda kale ee Soomaaliya ka jira sida Puntland, Galmudug iyo Ahlu-suna wajamaaca.

Waxaa nasiib daro sadexaad ah: In Jaaliyadda Beesha dhexe ee soomaliland ay u diyaar garoobeen inay Guriga Baarlamaanka Ingiriiska hortiisa ka sameeyaan banaanbax balaadhan oo ku beegan maalinta shirka dhacayo, waxay soomaalidii kale iska hortaageen inay dowladda Hoose ee Ingiriiska ka helaan rukhsad ama ogolaansho maalmaha 22-23-24 Feb. 2012, taasoo cid walba iska hortaagtay inay hesho ogolaansho ay ku sameeyaan  banaanbaxyo ay ku cabiraan mowqifkooda maalmaha shirku socdo.

Waxaa nasiib daro afraad ah: In beelaha dhexe ee soomaaliland gar iyo gardaraba u diyaar garoobeen cadaawad iyo isir dirir iyo duulaan joogta ah, halka wali shacabka Reer Khaatumo iyo Awdal State iyo Beesha Warsangali ay kala daadsan yihiin, isla markaana aysan lahayn mowqif mideysan.

Ugu dambeyn waxaan ku soo gaabinayaa qoraalkayga xikmadii ama murtidii Garaad Jaamac Garaad Cali ee ahaa 'Dab aadan shidan kuma dhaxan tiro'.


Mohamed Jama
madaxgaal@hotmail.com

Ogow: Ceegaag masuulkamaaha figrada Qoraalku xambaarsan yahay waamid ku kooban qoraaga ee isaga kala xidhiidh wixii turxaanbixin ama galin ah.

webmaster@ceegaag.com