shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijkii falaanqaynta jimcaha ee BBCda ee asbuucaan (3.02.12) oo Soomaalida u siyaadiyey qalbijab!Wasiirku miyuusan wax ishaarin markuu isticmaalay kalmadaha(dhibka wixii keenay – Root Causes of the Problems)?

(London, Feb 04, 2012 Ceegaag Online)

  •       Marnaba lagama dhawaajin UK inay tahay mid ka mida sadexdii dal ee reer Yurub ee iilka dhigay, ayna tahay waajibkooda inay sidaas waajib ugu tahay inay dib ugu soo laabtaan goobta iyagoo markaan u socda oo kaliya inay xalliyaan sharkay ula kaca u falkiyeen, xalkuna yahay inay dib u mideeyaan shantii Soomaaliyeed qaab federaala oo leh madaxtooyo iyo ra'iisul wasaare wareegaysta iyo caasumad cusub oo la soo dhigo bartamaha dalka sida gobolka Mudug;

  • Waxaa laga dhawaajey inuusan jirin dal yimid Soomaaliya waayahayn dambe oo dhul boobay! Mana jiro dalalka aduunka mid aan dhul ka boobin Soomaalida! Waayo dhammaantood waa mid boobay iyo mid u aqoonsan oo ku xishmeeya oo dhulkaas iyo dadka ku dhaqanba u yaqaan una aqoonsan qab ka mida dalka haysta sida Itoobiya iyo Keenya. Dunida oo dhan waa qaade ama qarshe xitaa Turkiga oo aqoonsan masaafada iyo shacabka ay sheegtaan Itoobiya iyo Kiinya!!!!!

Ingiriisna hadee waaba eelka kii dhigaye ha xalliyo dhibka hana bixiyo magdhaw isagoo la kaashanaya walaalihiisii uu watey markuu eelka dhigayey marbana qaybta siinaayey (wa Fraans iyo Talyaaniye) amaba wax la boobaayey, mana gumeysan Waqooyi galbeed Soomaaliya oo quree ha illaawin inuu guymeystey Koofur Galbeed soomaaliya oo loo yaqaan Waqooyi Bari Keenya, NFD ama Gaarisa, uuna walina ku haysto qanjaafulaha iyo cidiyaha Kenya!

Nin afgaaban laga dhaafi dhaxalka hooyadiis ayaa lagu maahmaahaa. Soomaalidu intay ka aamusan tahay dhibka jira, wuxuu ka soo ankumay, cidda ka masuulkaa iyo xalkiisa dhure u dhici maayo mana jirto cid u maqan iyo ceel u qodan toonna.

Ingiriisku amaba Willian Hague isaga qudadiisa ayaa ka dhawaajey xalku inuu yahay in meesha laga saaro waxa ay ka soo askumayaan dhibaatooyinka Geeska Afrika! Miyuusan ahayn nin weyn oo ishaaro bixiyey? Soomaalidu miyeysan ku sifoobeyn oraahda ”haddii gacant afka loo galiyo qofkaasi ma calashan karo bal inuu isagu shaqaysto daayoo”.

Wasiirka UK haduu leeyahay halla xalliyo dhibka wixi keenay meesha hallaga saaro, isuguna yeeray dunidii ku wada lug yeelatay jariimada, waxna ka badali lahayd khalad keeda, maxay Soomaalidu isu dhamaageysaa oo eysan uga faa’iideysi dooneyn?

War taladi ba’dayoow sow talo kuuma dhalato? Soomaalidu arkimeyso xorriyado yaryara oo tafaariiqa oo uu reer waliba dhinac ula jeedsado. Jumlad kaliya ay ku xoroobi karaane hallaga dalbo dunida shiraysa in dib loo mideeo Soomaalida markaas ka dibna la sameeyo suuq u dhexeeya dalka cusub ee Soomaalida federaalka ah iyo dalalka dariska la ah.

Inta laga aamusan yahay isburinta labada xeer ku sheeg ee UNka iyo OAUda, lana dooneyn xorriyadda Soomaalida oo dhan iyo midnimadeeda, waxa kale oo dhan waxba tari maayaan, nabadina kama soo socoto gobolkaas iyo nolo karaama leh midnaba sida la qiyaasi karo, waxaaba sii soconaya dulmigii keenay dhibka jira sida uu hisba ka hadlay wasiirka Ingiriisku.

Qore: Cabduraxmaan Xuseen Maxamed, Amiirdaldoon, Denmark, 04.02.2012

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com