shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bandhig buugeed iyo Dhaqameed lagu qataby Malmo- Sweden

(Malmo, Sweden, Feb 06, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Maalmo lagu soo bandhigay bandhig buugeed iyo dhaqameed ay iska kaashadeen shirka Scansom Publishers iyo Uruurka  Hidde iyo Dhaqan. Bandhiga waxaa martigaliyey oo lagu dhigay xarunta ururka Hidde iyo Dhaqan oo ka mid ururrada ugu firircoon oo ka shaqeeya daryeelka iyo kaydinta hiddaha Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa ururkii ugu horreeyey ee ku guulaystay booqashada boqorka dalka Sweden. Boqorka dalka iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa soo booqday xarunta ururka  bishii Febraayo, sannadkii 2011.  Shirkadda Scansom waxay madasha ku soo bandhigtay kutub badan oo lagu qiyaasay in ka badan 160 muunadood oo kala duwan. Buugta goobta lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa.

-          Buugta carruurta

-          Buugta suugaanta

-          Buuga ganacsiga

-          Buugta ka hadlaya arrimaha bulshada

-          Kutubta Diiniga iyo

-          Qaar kale

 

Munaasabadu waxay ahayd Carwo buugeeddii afkeenna hooyo ee ugu horreeyey oo lagu dhigo magalada Maalmo. Munaasabada kulanka waxaa loo soo cammiray si wanaagsan. Waxaa ka soo qayb galay qalabka warbaahinta iyo wargeysyada ka soo baxa magaalada Maalmo.  Bandhigga waxaa xariga ka jaray masuul ka tirsan gobolka iyo degmada oo qaabilsan arrimaha dhaqanka. Daniel oo ah madaxada gobolka ayaa si weyn u soo dhaweeyey tallaabadan wuxuuna ku tilmaamay inay tahay tallaabo wax- ku-oo ah oo isu soo dhaweynaysa labada mujtamac ee dalka ku wada nool. Waa tallaabo ka hortagaysa cunsuriyada iyo midab faquuqa dadka.

Bernaamajyada qiimaha badnaa ee madasha lagu soo bandhigay waxaa ugu hilin cuslaa ciyaaro dhaqameed kala duwan ay soo diyaariyeen kooxda carrurta ah ee ururka Hidde iyo Dhaqan. Waa koox caarrur ah oo si wanaagsan loogu tababaray ciyaaraha Soomaaliyeed. Kooxdu waxaysoo bandhigeen ciyaaro kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Dhaantada iyo Batarka (Kala socda shabakadda( you tube hiddeiyodhaqan.se). Sidoo kale waxay soo bandhigeen bilicda iyo qurxda dharka ay gabdhaha Soomaalidu xidhaan oo ay dhaqanka u leeyihiin. Bandhiggii kooxdu waxay hanteen maanka iyo miyirka dhammaan dadkii goobta wada joogay. Marka ay kooxdii bandhiggii dhammeeyeen waxaa lagu bogaadiyey sacab, or, jiib iyo jaanta oo si waanaagsan isu qabsatay. Mashxaraddu waxay wada saaqday dhammaan dadweynihii fagaraha joogay. Waxaa si gaar ugu riwaayaqay madaxdii Iswiidhiska ahaa ee bernaamajka ka qaybqaatay. Qoraaga Maxamad Sh. Xasan ayaa markaas carruurtii abaalgud guddoonsiiyey buug kala duwan oo  ay shirkadda Scansom daabcday. Wacdarihii goobta ka dhacay waxaa maanta Febraayo 5ta, 2012  lagu soo daabacay labada wargeys oo ka soo baxa magaalada iyo Gobolka Malmo oo la kala yiraahdo :

-          Syd Svenskan iyo

-          Skanska Dagbladet

Shirkadda Scansom iyo Ururka Hidde iyo Dhaqan waxay dadkii ku bogaadiyeen in bernaamajka la joogteeyo oo uu ahaado mid sannadkiiba la dhigo hal mar. Sidoo kale waxaa goobta laga akhriyey suugaan badan oo isugu jira Gabayo, sheeko carruureed iyo maahmaaho si gaar ahaaneed loogu maamuusay sannad guuradii 40aad kaddib markii la qoray oo la hirgaliyey afkeenna hooyo ( 1972). Hambalyo iyo bogaadin arrintaas ku saabsan ayaa si xamaasadi ku jirto looga faallooday. Qoraaga Maxamad Sh. Xasan ayaa markaas ka warbixiyey tirakoobka dalagga buugeed ee inoo soo go’ay 20kii sano ee ugu dambeeyey kuwaaso lagu qiyaasay 300-350 muunadood oo kala duwan. Gebagebadii iyo gunaanadkii ayaa waxaa bandhigga soo xiray guddoomiyaha ururka Warsame Yaasiin CIsmaan, wuxuuna u mahadceliyey dhammaan shaqaalaha ururuka iyo jaalliyada Soomaaliyeed ee reer Maalmo oo bernaamajka qayb libaax ka qaatay. Wixii faahfaahin la xiriir ururka: Hiddeiyodhaqan.se iyo shirkadda scansom.com. Dadweynihii reer Maalmo waxay ku seexdeen farxad, raynrayn iyo riyaaq!

Daawo Sawirada

                        Qoraaga Maxamad Sh Xasan

                         Malmo, Sweden,  2012 02 05 ( 5th, Feb. 2012)

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com