shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

BAAQA ISLAAX EE KU AADAN SHIRKA LONDON EE ARRIMAHA SOOMAALIYA

(Muqdisho, Feb 22, 2012 Ceegaag Online)

Xarakada Islaax waa urur Islaami ah, kana shaqeeya adeegga bulshada iyo horumarinteeda. Ururka Islaax wuxuu kaalin fir-fircoon ka qaataa dibu-heshiisiinta Soomaalida iyo soo celinta dowladnimadda Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday 1991.

Dhibaatada Soomaaliya way raagtay, waxayna wada saamaysay dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Sidaasi daraadeed, dadaal kasta oo laga geysto dibuheshiisiinta Soomaalida iyo dibudhiskeeda waa talaabo loo qaaday dhanka toosan.

Haddaba, Ururka Islaax isaga oo ka duulaya illaalinta dowladnimadda Soomaaliyeed wuxuu caddaynayaa qodobadan hoos ku qoran:-

1)     Waxaan soo dhowaynaynaa shirka London ee arrimaha Soomaaliya lagu furdaaminayo.

2)     Waxaan shirka ka rajaynaynaa inuu noqdo mid gacan ka gaysta dibudhiska hay`addo dowladeed oo karti u leh gudashada xilkooda Qaran, sida soo celinta nabadda, faafinta adeegga guud ee bulshada iyo dibudhiska dalka.

3)     Waxaan adkaynaynaa in Qaranimadda Soomaaliyeed ay tahay lama taabtaan, midnimaduna tahay muqadas.

4)     Wadamadda Carabta iyo kuwa Islaamka ee shirkan ka qayb gelaya waxaa saaran masuuliyad taariikheed oo ku aadan inay kaallin firfircoon oo wax ku ool ah ka qaataan dadaalka caalamiga ah ee ku aadan dibudhiska Soomaaliya.

5)     Beesha Caalamka waxaan uga mahad celinaynaa dowrka ay ka qaateed taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku waxyeeloobay.

6)     Waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan danahooda iyo dibudhiska dalkooda, kana faa`iidaystaan taageerada caalamka.

Ugu danbayn waxaan Illaahay ka baryaynaa inuu umadda Soomaaliyeed ka dulqaado dhibaatadan daba dheeraatay.

Dr. Calibashi Cumar Xaaji

Gudoomiya Ururka Islaax

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com