shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay maamul goboleedka Khaatumo ayaa ka dhacay gobolka Alberta ee dalka Canada.

(Edmonton, Alberta. Canada.  Feb 04, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta Xafalad sii fiican loo soo abaabulay oo loogu dabaaldegayay maamulka cusub ee Khaatumo State of Somalia.

Xafladdaas oo ay ka soo qayb galeen dad kor u dhaafay illaa 700 qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkan Alberta, wasiirrro ka socda DFKM, maamulka Awdal State,

Salaaddiin, cuqaal, aqoonyahanno, madaxda urururada bulshada ee Alberta, culumaaudiin , dhallinyaro iyo Hooyooyin dadkan ayaa ka kala yimi dhammaan magaalooyinka ay ka koobantahay gobolka Alberta. Xafladdan oo ay soo abaabuleen jahliyadda Khaatumo ayaa ahayd xafladdii ugu dadka badnayd ee abid ka dhacday megaalada Edmonton. Xafladdan oo uu si qurux badan u daadihinayay Cawil Tarabbi ayaa dadkii ka hadlay dhammaantood waxay soo dhaweeyeen maamul goboleedka Khaatumo isla markaana waxay si adag uga hadleen muqaddasnimada midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Ugu horrayn waxaa aayadaha quraanka ku furay Axmed Cabdi Muuse oo ayaad ka turjumaysa faaiidooyinka wadajirku leeyihiin u soo jeediyay dadwaynihii xafladda ka soo qaybgalay.  

Waxaa sidoo kale khudbad kooban oo soo dhawayn ah ka akhriyay Caaqil Cismaan Gaabay oo u mahadcelyay dadwaynihii ka soo qaybgalay xafladda. Waxaa warbixin dheer oo ku saabasan geeddi socodkii uu soo maray asaaskii maamulka Khaatumo akhriyay Ciise Xaaji Ismaaciil oo ku dheeraaday ujeeddadii loo abuuray maamulkan oo ah in aan marnaba lakala goyn dalka Soomaaliya isla markaana dadwaynaha ku dhaqan gobolladaasi ay aayahooda ka tashadaan . Waxaa kaloo iyana qudbad qiimo leh ka soo jeedisay Fowsiya Xirsi Biyoole oo ku dheeraatay sida loogu baahnaa in la sa,meeyo maamulkan wakhti hore si looga gudbo ayay tidhi dibudhaca siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed ee 21 sano ee la soo dhaafay haystay gobollada SSC. Wasiir ku xigeenka Arimaha Amniga ee DFKS C/Xakiim, guddoomiyaha Jahliyadda Awdal State Maxamed, Professor Cali Cabdi Axmed iyo Professsor Maxamed Jimcaale ayaa iyana si wayn uga hadlay sida ay ugu faraxsanyihiin maamulka Khaatumo isla markaana ay Khaatumo horseedi karto ayay yidhaahdeen in sida ugu dhakhsaha badan ay u soo dhawaato soo afjarideeda dawlada l’aanta ka jirtay Soomaaliya 21 sano ee ugu danbaysay.

Siadoo kale waxaa isna xafladda hadal qiimo leh ka soo jeediyay Garaad Mahdi Cali-ayaan Cabdi (Dheriyo), isagoo faallo dheer ka bixiyay taarikhda dadka ku nool gobollada SSC. Garaadka ayaa qudbaddiisii ku qeexay sida ay u kala duwanyihiin qabiilka iyo qabyaaladdu isagoo xusay in qabiillada Soomaalidu waligood ahaayeen dad is dhinac ama garab dega islamarkaana aan qabiilla qabiilka kale ku soo xadgudbin xeerkiisa, maamulkiisa iyo dhulkiisa toona. “khaatumo waxaan u taagerayaa waxaan qabaa in dadka ku nool gobollada SSC ay mudanyihiin la taageero sababtoo ah waxay buddhig u yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaanan qabaa in aanay maamulka Khaatumo cidna dhib u soo kordhinayn dheef mooyaane” ayuu hadalkii sii ku soo gabagabeeyay Garaad Mahdi.

Jamaal X. Cali, Xasan Cali iyo Maxamed Axmed Xirsi (Cawil) oo ku hadlayay magaca ururada Soomaalida ee Edmonton ayaa iyana halkaas qudbado kookooban oo ka turjumayay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ka soo jeediyay. Caynaanshe C/Raxmaan ayaa oo ku hadlayay magaca jahliyadda Calgary ayaa isna khudbad kooban oo taabanaysa xaaladda ka taagan gobollada SSC iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la adkeeyo midnimada dalka Soomalia. Madaxdhaqameedada iyo odayaasha ay ka midka yihiin Suldaan Subeer iyo Khuyuukhda magaalda Edmonton sheikh Cismaan iyo sheikh faarax , Cabdillaahi Ducaale, Eng. Xuseen,  Muxiyaddiin Diiriye Nuur, ayaa iyaa isna khudbado xambaarsan duco iyo waanin u soo jeediyay dadwaynihii halkaas isugu yimi.

Farshaxanka caanka ah ee Soomaaliyeed Ammiin Caamir ayaa xafladdaas lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf ay u soo diyaariyeen jahliyadda Khaatumo ee Edmonton. Amiin Caamir ayaa khudbad gaaban iyo mahadcelin u soo jeediyay reer Khaatumo isla markaana ballan qaaday in uu sii wadi doono halganka “qalin ku dirirka “ ah ee uu ku hayo cadowga ummadda Soomaaliyeed. Xafladdaas ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo kuwa qoobka ciyaarka casriga ah. Ugu danbayn xafladdaas ayaa ku soo dhammaatay jawi aad u fiican iyadoo dadwaynihii ka soo qaybgalay ay ka muuqatay wajiyadooda farxad iyo hilowshiinyo aan indhawayd lagu arag faagaaraha ay dadku ku kulmaan.

Daawo Sawiradii Xaflada iyada oo cajalad ahna ha u daymo la'aan Ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com