shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Toban ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo tababar looga furay xarunta hay’adda SCERDO ee magaalada Edmonton.

(Edmonton, Feb 18, 2012 Ceegaag Online)

Hay’adda waxbarashada iyo horumarinta reer miyiga ee SCERDO ayaa week-gan magaalada Edmonton ee xarunta gobolka Alberta tababar lagu baranayo xirfadaha kala duwan ee shaqooyinka uga furtay 10 dhalinyaro Soomaaliyeed  oo ku nool Magaalada Edmonton.

Tababarka oo socon doona muddo lix bilood ah ayaa dhallinyarada waxaa lagu barayaa xirfado kala duwan, Waa dufcaddii labaad oo tababar noocaan ah ay hay’adda SCERDO uga furto xarunteeda Edmonton dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’da yare ee ku nool magaalada Edmonton ee gobolka Alberta.

Guddoomiyaha guddiga fulinta hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal), Jody oo ah maareeyaha hay’adda BGS oo ah hay’ad si gaar ah loo leeyahay oo qaabilsan shaqo u abuuridda dhallinyarada  iyo Dave Axander oo ah  sarkaal ka socday wasaaradda shaqada iyo Horumarinta ee dawladda dhexe ee Kanada ayaa u jeediyay hadal dardaran ah dhallinyarada loo furay tababarka iyagoo ku adkeeyay in ay ka faaiidaystaan fursaddan qaaliga ah ee ay heleen si ay u helaan fursad ay ku helaan shaqo joogto ama ay kusii wataan waxbarashadooda heerka sare.

Source: SCERDO

webmaster@ceegaag.com