shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dallad ay ku midoobeen ururrada ka shaqeeya samofalka iyo horumarinta bulshada oo Muqdisho looga dhawaaqay

(Muqdisho, Feb 08, 2012 Ceegaag Online)

Dallad ay ku mideysan yihiin ururrada ka shaqeeya samofalka iyo horumarinta bulshada ayaa maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana munaasabadda looga dhawaaqay goobjoog ka ahaa xubno ka socday qaar ka mid ah hay'adaha gargaarka caalamka. Dalladdan oo loogu magacdaray Somali Huminaterian Opretional Consortium (SHOC) ayaa waxaa ku mideysan 43 hay'adood oo maxalli ah,  iyadoo xafladda ay hadallo ka jeediyeen mas'uuliyiinta kala duwan.
 
Guddoomiyaha daladda SHOC, C/qaadir Abuubakar Sheekh (Weha) oo ugu horreyn hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dalladdan la sameeyay bishii September 2011, ayaa wuxuu sheegay in maanta lagu dhawaaqay, isagoo xusay in ujeedooyinka loo aasaasay ay ka mid yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed loogu caawin lahaa gacmo wadajir ah.
 
"Sababta loo aasaasay SHOC waa inay kala shaqeyso hay'adaha caalamiga ah iyo sidii lagu caawin lahaa dadka dhibaateysan," ayuu yiri C/qaadir Weha. "Sidoo kale waxaa ka mid ah ujeedooyinka sidii loo dhiirigelin lahaa in dadku isku kalsoonaadaan waxna qabsadaan."

Xubnihii ka hadlay munaasabadda waxaa ka mid ahayd, Sahro Cali Xasan oo ah la taliyaha daladda SHOC iyadoo ku hadlaysay magaca saddex hay'adood oo ka mid ah kuwa taageera SHOC oo kala ah: MCT, SRDF iyo THF ayay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dalladdu ay halkan soo gaarto.

Madaxa hay'adda Qatar Charity, Durraan Axmed Faarax oo munaasabadda ka hadlay ayaa isna wuxuu sheegay in ururrada samofalka ay ku midoobaan daladdan ay suurogelinayso in si fudud wax lagu gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Dr. Axmed Aadan madaxa ururka iskaashiga Islaamka xafiiskiisa Soomaaliya oo u dhashay Suudaan ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay soona dhaweynayo SHOC oo uu sheegay inuu goobjoog ka ahaa aasaaskeeda.
 
"Waxaan ku faraxsanahay in howsha SHOC ay halkan soo gaarto, maadaama aan goobjoog ka ahaa aasaaskeeda. Waxaana ballanqaadayaa inaan taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagayno dalladda," ayuu yiri Dr Axmed Aadan. Isagoo xusay inuu rajeynayo inay wax weyn ka qabato howlaha samofal ee Soomaaliya. Dhammaan mas'uuliyiintii ka hadlay munaasadda ku dhawaaqista daladda SHOC ayaa waxay soo dhaweeyeen hindisahan cusub ee lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in daladdan ay hormuud u noqon doonto sidii la isku kaashan lahaa.
 

Ugu dambeyn, waxaa baaq diray guddoomiyaha daladda SHOC, C/qaadir Weha isagoo hay'adaha caalamiga ah ku dhiirrigeliyay inay dalladda kala shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu caawin lahaa wadajir.
 

Daawo Sawirada

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com