shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

R/wasaaraha Soomaaliya oo booqday xarunta safaarada Soomaaliya iyo guriga safiirka ee Biljamka lana hadlay Jaaliyadaha

(Brussels, Belgium  Feb 21, 2012  Ceegaag Online)

R/wasaaraha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wadi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Xarunta Dalka Biljam  ee Brussels, ka dib uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda Midowga yurub iyo dowladda Biljamka.

R/wasaare Cabdiweli ayaa booqday Xarunta Safaarada Soomaaliya ee Brussels oo uu ka muuqday burbur, iyo dhibaatooyin kale, iyada oo qeybo ka mid ah safaarada ay dad ajaanib ah degan yihiin maadaama  aysan horay u jirin safaarada Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay taasina waxa ay keentay in si sharci daro ah loo isticmaalo xarunta safaarada, inkastoo iminka  ay  howlwadeenada safaarada ay  xaruntan ku shaqeynayaan mudo laba bilood  halkii hore ay u deganaayeen xafiisyo kiro ah.

R/wasaaraha ayaa indha indheeyey qeybaha iyo xafiisyada safaarada isaga oo warbixin ka dhageystay  Safiirka Soomaaliya ee Midowaga Yurub Ambasadoor Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde), waxa uuna safiirka   ka xogwaramay xaalada safaarada, shaqaalaha joogo,  halkii loo galay in xarunta rasmiga ah ee safaarada ay dib ugu shaqeyso iyo  caqabadaha hortaagan in  guud ahaan la dayactiro lagana saaro dadka ajaanibta ah safaarada Soomaaliya.

Sidoo kale R/wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, waxa uu booqday guriga safiirka Soomaaliya  oo isagana ay dagan yihiin dad u dhashay dalkan Biljam kuwaas oo tan  horaantii sagaashameeyadii iska deganaa kuna ilmo dhalay, waxaana hoyga safiirka ka muuqday burbur iyo dayactir la’aan, waxaa gudaha  guriga ka buuxay gaadiid aad u fara badan kuwaas oo naloo sheegay in ninka gurigan heysto uu ka baayac mushtaro iibinta gaadiidka.

Guriga oo ku fadhiyo dhul aad u balaaran  ayaa Ambasadoor Nuur Cadde waxa uu sheegay in dacwooyin kala duwan laga furay sidii gurigan gacanta Soomaaliya loogu soo celin lahaa, iminkana ay rajadu fiican tahay.

Dhinaca kale  R/wasaare Cabdi weli Maxamed Cali Gaas  waxa uu maanta  la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Biljamka  kuwaas oo isugu soo aruuray hool weyn, iyaga oo aad u daneynayey in ay la kulmaan R/wasaaraha, una dhageystaan khudbada uu ugu talo galay.

R/wasaare Cabdi weli Maxamed Cali oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka qeybgalayasha kulanka kaga xogwaramay xaalada Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca nabadgalyada iyo horumarka, shirkii Garoowe iyo rajada shirka London ka dhici doono, iyada oo khudbadaasi ka ´dib R/wasaaha la weydiieyy su’aalo dhowr ah oo  la xiriiray xaalada Soomaaliya, waxa uuna R/wasaaraha mar waliba muujinayey in doorka qurba joogta ee ku aadan dib dhiska Dalka Soomaaliya ay muhiim tahay, waxa uuna si gaar ah Soomaalida Biljam uga codsaday in ay  dayactiraan isla markaana qalabeeyaan xarunta Safaarada Soomaaliya  maadaama iminka lagu guuleystay in Safaaradeenu ay ku shaqeyso xarunteedii rasmiga aheyd.

Ambasadoor Nuur Cadde oo isna goobta kulanka ka hadlay ayaa reer Biljam ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay qarankooda u shaqeeyaan, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in gudiyo  isku dhaf ah oo ka socdo  jaaliyadaha biljam in ay safaarada kala shaqeeyaan sidii loo safaarada loo dayactiri lahaa.

Xigasho: radiomuqdisho.net

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com