shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaan Boot Cabdulle: Ra'iisal Wasaare Gaas waxa uu ku shaqeeyaa hadafka Faroole.

 

(Muqdisho April 30,  2012 Ceegaag Online)

Xildhibaan Boot Cabdulle Magan oo ka mid ah barlamanka xukuumada KMG ee soomaaliya ayaa eedeemo usoo jeediyay Rai''sal wasaraha Soomaaliya Dr. C/weli Gaas isagoo sheegay in dowlada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare  Gaas ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha Siyaasadeed iyo midda ammaan ee wadanka.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu matalo 18-ka gobol ee ay ka kooban tahay Soomaaliya, laakiin uu ku shaqeeyo fakar u gaar ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole isagoo sheegay in dastuurka iyo arimaha Roadmap-ka uusan Gaas fikir weyn ku lahayn balse uu iibinayo fikrada Faroolaha Puntland.

Xildhibaan Boot Cabdulle Magan ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, Culumaa’uddiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka tashadaan aayaha Soomaaliya islamarkaana ay gacamaha is qabsadaan oo sida uu sheegay Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin dhibaatooyin kala duwan.

Muddooyinkii dambe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada waxa ay muujinayeen cabashooyin xooggan ee ku saabsan jiritaanka Ra’iisul wasaare Gaas oo ay ku eedeeyeen in uu wado arrimo aan dan u aheyn shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale Ma jiraan wax warar ah ama jawaabo ah oo ka soo baxay dhinaca ra’isul wasaare C/weli Gaas.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com