shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah DFMKG oo ka qeybgalay shirweynaha ururada Soomaalida Sweden.

(Stockholm, April 02, 2012 Ceegaag Online)

Shir sanadeedkii ururka isbaheysiga Umada Soomaaliyeed ee Sweden oo ah  dalad ay ku mideysan yihiin ururada iyo Jaaliyadaha ka dhisan dalka Sweden ayaa la soo gunaanaday  maanta ka dib markii uu mudo laba maalmood ah uu ka socday magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Shirkan oo maalintii shalay diirada lagu saaray arimaha gudaha ee wadanka Soomaaliya iyo sidii qurba joogto ah gacan uga geysan lahaayeen howlaha baaxada leh ee ka socdo gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan xiliga kala guurka ah ayaa waxaa wasiirka wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah mudane C/laahi Goodax Barre uu halkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo ka tarjumeysay  waxqabadka Dowladda iyo dadaalada dowladda ka wado gobalada dalka Soomaaliya iyo dhaqangalinta barnaamijka  xiliga kala guurka ah.

Wasiirka waxaa uu u sheegay Soomaalidii uu la hadlayay in ay talo ku yeeshaan dastuurka, isla markaana ay dalka ku laabtaan, si ay uga qeybqaataan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka ah. “Waxaan idin kugu imid in aan farriintaas idin soo gaadhsiiyo oo aad 90-kaas maalmood waxa Soomaaliya loo soo dhisayo aad wax ku yeelataan”ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku sii daray “In aad is-aqoonsataan waaye maadaama aad tihiin deeq-bixiyayaasha ugu weyn. Caalamka marka uu Soomaaliya dhaqaale siiyo shuruud ayuu daba dhigaa, laakin idinku shuruud ma lihiin, doorkiinana muhiim ayuu u yahay Sooamaliya”.

Waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka in ay Dowladda Soomaaliya wax badan ka qabatay Dib u heshiisiinta, Dowlad-wanaagga, Adeegyada bulshada, hayeeshee ay weli harsan tahay howl badan u baahan in wax laga qabto, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay dalka ku laabtaan.

Ugu dambeyntii Shirka ayaa waxaa lagu sharfay in ay si wada jir ah u soo gaba gabeeyaan Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowlada KMG Dr. Abdullahi Goodax Barre iyo Safiirkii hore ee Somalia u fadhinjiray Wadanka India Ambassador Mohamed Osman Omar oo hadalo guubaabo iyo dardaaran ah ku soo xiray Shir Sanadeedkii 18-aad ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed.

sawiradada xuquudooda waxaa iska raadiyaha qaranka ee radiomuqdisho

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com