shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo kormeer shaqo ku gaadhay Garoowe. 

(Garoowe, April 18, 2012 Ceegaag Online)

Wafdigaan ka socda Dowladda KMG-ka ah isalamrkaasna uu hogaaminayo R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha mudane C/wahaab ugaas xuseen oo maanta kasoo ambobaxay magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Wafdigan oo ay kamid yihiin W/Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha Cali Nuur Ducaale iyo W/Dowlaha Dastuurka arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa markii ay kasoo dageen garoonka Cabdullahai Yuusuf waxaa halkaasi si diirran ugu soa dhoweeyay Godoomiyaha Gobolka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Intasai kadib ayaa waxaa wafdiga lagu so galbiyay gaadiid farabadan oo martida loogu talagaly iyadoo muddo afar saacadooda ah ay usoo socdeen inta u dhexeysa Magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe.

Wafdiga ayaa markii ay gabaldhicii maanta so gaareen Garoowe waxaa halkaan si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedkaa C/Samad Cali Shire iyo wasiiro ka tirsan Punland iyado wafdiga la dajiyay hooy aad u qurux badan oo loogu talogalay martida.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com