shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Telesom oo gaadhi gudoonsiisay Maamulka Jaamacada Nugaal ee Magaalada Laaascaanod.

 

 

(Laascaanod, April 27, 2012 Ceegaag Online) 

Shirkada Telesom ayaa maanta gaadhi nooca Land Cruiser-ka loo yaqaano gudoonsiisay madaxada iyo ardayda Jaamacada Nugaal ee Magaalada Laascaanod. Kulankan xaflada gudoonsiinta ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley Gudoomiyaha shirkada Telesom ee magaalada Laascaanod Abdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) sheegayna waxqabadka shirka Telesom ee ay ka qabatay guud ahaan gobolka Sool.

Abdirisaaq Axmed Warsame ayaa Sidoo kale sheegay in shirkada Telesom ay kaalin mugleh kaga jirto kor uqaadista Waxbarshada deegaanada Khaatumo, caawinta agoomaha, caawinta abaaraha iyo reer guuraaga.

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. C/risaaq Maxamed Aaden (Lafoole) oo isna sidoo ka hadlay munaasabada xaflada ayaa  u mahad celiyay maamulka shirkada Telesom ee Laascaanod, isagoo sheegay in maamulka iyo Ardayda Jaamacada Nugaal ay siwayn u soo dhawaynayaan gaadhigan shirkada Telesom ugu deeqday Jaamacada, balanqaadayna ka maamul ahaan inay ilaalindoonaan gaadhigan.

Halkan Hoose ka Daawo Video-ga

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com