shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Taakulyn ah oo ka Dhacay Magaalada Edmonton ee dalka Canada.

(Edmonton, April 02, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Edmonton ee dalka Canada lagu qabtay xaflad isugu jirta warbixin, wacyigalinta samafalka, iyo taakulayn taariikhdu markay ahayd March 31, 2012. Waxayna ka dhacday Theater-ka weyn ee Jaamacada NAIT (Northern Alberta Institute of Technology). Halkaas waxaa si weeyn loogu soo dhoweyey magalada Edmonton ee dalka Canada Dr.Cabdi Caydiid Xiirey oo ahaa aasaasihii isbitaalkii weynaa ee magaalada Dhoobley, Somalia. Isbitaalkaas waxaa uu dhakhtarku aasaasay sanadkii 2006, wuxuuna si buuxda u hana qaaday sanadkii 2009ka.

Odayaal badan oo aan halkan lagu wada magacaabi karin iyo dumar iyo dhalinyaraba way ka soo qaybgaleen,  waxaana qudbado qaayo leh oo dhiigga dhaqaajiyey dadkii goobtaas joogay ka soo jeediyey Dr.Maxamud Ugaas iyo Dr. Cabdi Caydiid. Qudbadahaasi waxay isugu jireen sawirro, filimo, qorraallo iyo aayo badan oo quraan ah oo sheegaya sida ay waajib u tahay in lala baxo sadaqo loola niyoonnayo hor illahay, oo lagu gargaarayo caafimaadka dadkaas deggen deggaankaas.

Si kooban haddii aan warbixin uga soo gudbinno taariikh nololeedkii Dr.Cabdi Caydiid. Wuxuu ka mid ahaa layli saraakiishii loo diray USSR, iyaga oo halkaas ku soo bartay cilmiga dhakhtarnida, kana soo qalin jabiyey 1974kii. Markuu dalka ku soo noqdayna wuxuu ku howlgalay cilmigii dhakhtarnimadiisii, isaga oo isbitaallo badan ka soo noqday Agaasime Guud. Wuxuu mar labaad waxbarasho caafimaad u aaday dalka dibaddiisa, isaga oo la soo noqonayey cilmigaas si uu uga faa’iideyo dadkiisa. Dr. Cabdi Caydiid, wuxuu markii ugu danbeysay jaamacadaha dibadda ku soo bartay Qaliinka Wadnaha iyo Wareegga Dhiigga, halkaas oo uu ku soo qaatay takhasuuskiisii ugu danbeyey ee Medical Doctorate 1984. Wuxuuna ku soo noqday dalka, isaga oo halkii ka sii waday in uu ku shaqeeyo cilmigiisii.

Muddadii dalku burburay, Dr.Cabdi Caydiid wuxuu noqday Wasiirkii Caafimaadka ee xilligii Cali Mahdi, intaas wixii ka danbeysay, wuxuu u go’ay danaha shacabka iyo badbaadadiisa. Wuxuuna wax ka aasaasay hay’ado samafal ah, hase ahaatee wuxuu ku guulaystay in uu dalka gudihiisa ka dhiso isbitaal weyn oo loogu talagalay in uu qaado 300 oo sariirrood oo jiif ah, wajigiisa labaad.

Dhakhatarku wuxuu go’aankaas ku qaatay in isbitaalkaas baaxaddaas leh laga dhiso, magaalada Dhoobleey ee ku taalla xuddudka Kenya iyo Jubbada Hoose, isaga oo halkaas u arkay in ay tahay meel strategy ah, dhan walba, ayna ka jirto baahi weyn.

Waxaa ka mid ah carqaladaha ka hor yimid sidii uu isbitaalkaasi ku hana qaadi lahaa, iyada oo ay Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Africa iyo IGAD-ba u arkayeen in aysan goobtaasi ahayn goob nabadeed, sidaa daraaddeed aysan gaadhsiin Karin deeq shisheeye. Wuxuu arrintaas kaga gudbay isaga oo la kaashaday eebbe weyne iyo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba.

Aakhiritaankii, isbitaalku wuxuu ka gubay marxalado badan, oo ay ka mid ahaayeen clinic, health center, hospital, iyo general hospital. Wuxuuna u gudbaya darajada Referal Hospital, oo macnahdeedu yahay in uu ka koobanyahay, toddoba qaybood oo waaweyn. Qaybta Bukaan Socodka, Qaybta Jiifka, Qaybta Tabbabarka Kalkaaliyaasha Caafimaadka, Qaybta Quudinta (Feeding Centre), Qaybta Qallinka, Qaybta Qaaxada (TB), Iyo Qaybta Cudurrada Faafa.   Hase  ahaatee, isga oo isbitaakani noqday kan kaliya ee addunka oo dhan dadka lagu daweeyo bilaash, waxay shaqaalihiisu ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso illaa iyo hadda. Taasna waa mid illaahay lagu mahadiyo.

Nasiib darro, isaga oo isbitaalku u gudbi lahaa wajiyo kale, ayaa waxaa billaabmay degaalkii ka dhacay aagga, waxaana halkaas ay ku soo gaadhay dhammaan dhismayaashii isbitaalka iyo hantidiisii taallayba waxyeello aad u ballaadhan.

Dr. Cabdi Caydiid isaga oo daba socda taageeradii ay awalba dadkiisu ku dhiseen isbitaalka ayuu mar kale ku soo rogaal celiyey sidii dib loogu dayac tiri lahaa, islamarkaan loo billaabi lahaa shaqadii quruxsaneyd ee loo hayey dadkaas deeggaanka iyo Soomali oo dhan. Waayo dadka lagu qalo sibitaalkaas waxaa laga soo refer-gareeyaa gobol walba oo Soomaaliyeed.

Socdaalka dhakhtarku wuxuu ku wajahnaa qaarada North America, wuxuuna illaa iyo hadda soo maray illaa shan magaalo oo kale.

Shirkan Edmonton waxaa ugu danbeyntii la wareegay shaakhii magaalada Sheekh Cusman, oo dadka ku bogaadiyey sidii ay ku taakuleyn kahaayeen isbitaalkaas danta guud loo dhisay. Waxaana isla goobtii lagu yaboohay lacag ka badan $50,000 muddo ka yar hal saac. Wuxuu sheekhu u duceyey intii ka geysatay gacanta iyo intii ku yaboohdayba, wuxuuna halkaas ku xusuusiyey in zakada hor illahay loo bixiyo ayna nusqaaminnin maalka, ee ay badiso, sidaas oo kalana uu illaahay inoo sheegay in maalkeenna inta aan sadaqada ula baxno uun in aan wax ku leenahay.

Waxaan halkan uga baryeynaa in inta dhistay, inta ka shaqeeysa iyo inta badan ee heeganka u ahba kheyr badan siiyo, isbitaalkaasna uu noqdo mid aad u hana qaada.

Waxaan dib idinka soo gudbin doonnaa warbixintii oo ah PowerPoint, sawirro iyo filinba. Waxaadna kala xidhiidhi kartaan wixii faahfaafin ah.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com