shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Talyaaniga ayaa weydiisatay Dowladda KMG ah Soomaaliya inay cadeyso shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxii tiyaatarka.

(Muqdisho, April 17, 2012 Ceegaag Online)

Safiirka Dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya André Marcela ayaa ugu baaqay dowlada KMG Soomaaliya in ay kala cadeyeso in qaraxi Tiyaatarka Qaranka ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah Hay’adaha Dowlada iyo sidi uu ku yimid..

André Marcela oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho kadib marki uu kulan la qaatay Ra’isulwasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in dowladiisu ay dooneyso faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii bishan bilowgeedii ka dhacay tiyaatarka qaranka.

“Waxaan la kulmay Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana si buuxda u taageereynaa baaritaanada socda waxaana kuu sheegayaa in baaritaankan uu sii socon doono,” ayuu yiri  André Marcela.

Waxa kale oo uu ka dalbay dowlada KMG ah in wixi kasoo baxay baaritaankaasi ay caalamka u shaaciso si dadka oo dhami wada ogaadaan, xitaa hadii shaqsiyaad ka tirsan dowlada ku lug leeyihiin.

Dhinaca kale André Marcela safiirka dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso in ay mashaariic ka fuliso koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday dayactiro ay ku sameyneyso garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Gaalkayo, Bosasso iyo qaar ka mid ah saldhigyada booliska ee magaalada Muqdidho ee caasimada Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com