shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda.

(Ceegaag, April 22, 2012 Ceegaag Online)

Roob mahiigaan ah oo biyo galiyay baraagaha Ceegaag iyo balliga wayn ayaa  xalay ka da’ay degmada Ceegaag ee dalka Soomaaliya.

Mar shabakadda Ceegaag Online isku dayday in ay wax ka ogaato tayada roobkaasi ku da’ay degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda ayaa naloo xaqiijiyay in roobkaasi ahaa mid mahiigaan ah  isla markaana si wayn dadka iyo xooluhuba ugu diirsadeen.

Guud ahaan deegaanka ku xeeran degmada Ceegaag ayaa waxaa dulheehaabaya raxmaadkaa wayn,  dadwaynaha deegaankaasi u dhawrayaan.

Wixii ka soo kordha raxmaadkaas kala soco Ceegaag Online.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com