shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin Kuuriyaan ah oo ardey ku laayay College ku yaala Gobolka California ee dalka Mareykanka.

(Oakland, California April 03, 2012 Ceegaag Online)

Shil toogasho ayaa saaka ka dhacay Magaalada Oakland oo ku taala Waqooyiga gobolka California ee cariga Mareykanka, kadib markii Nin Kuuriyaan ah oo 43-jir ah watayna Qoriga loo yaqaan Mishigaanka uu ku toogtay 5-Ruux halka labo kale ay dhaawac ahaan ugu geeriyoodeen Isbitaalka guud ee magaalada Oakland taas oo tirada Dhimashada dadka ka dhigeysa 7-Qof.

Taliyaha ciidamada Booliiska magaalada Oakland Mr.Howard Jordan waxa uu xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen Ninkii Kuuriyaanka ahaa ee toogtay Ardaydii Mareykanka ahayd kaas oo lagu soo qabtay goob aan sidaas uga fogeyn meesha uu shilku ka dhacay.

“College-ka shilku ka dhacay ayaa waxaa lagu bartaa maadooyinka Caafimaadka waxaana intii ay socotay Rasaasta daaqada dambe iyo Darbiyada College-kaas ka booday Arday fara badan oo wax ka baraneysay halka qaarkood ay ahaayeen kuwo dhaawac ah ayuu yiri Gurpreet Sahota oo ka mid ah Masuuliyiinta College-ka ee magaalada Oakland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com