shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo manta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga
 

(Hargaysa, April 21, 2012 Ceegaag Online)

Mr. Augustine Mahiga oo ah sidiisaba nin qaneecad daran ayaa shalay u duulay caasimada 2aad Soomaaliya Hargaysa, ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu sarsaraysa ee maamulka Somaliland. Siiba madaxwayne Siilaanyo.

Mr. Augustine Mahiga ayaa kulankii ugu horeeyay ee foolka foola layeelanaya madaxda maamulkaa si uu ugu tirtin siiyo inay ka qayb galaan oo aysan ka madax adaygin  wadahadalada ay Somaliland lagalaso dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca kale wadahadaladan ayaa haatanku dhaw inay burburaan ka dib markii ay qaadaceen kooxo maalin dhawayd maamul loogu wanqalay Khaatumo ugaga dhawaaqay magaalada Taleex ee gobolka Sool. Ka dib markii ay saluugeen kudarida ergada wada xaajoodka ee dhinaca dawlada labo wasiir oo ka tirsan maamul G/Puntland. Kooxdan ayaa iyagu ah kuwo dagaal hubaysan kula jira maamulka Somaliland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com