shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in dalka dhawaan la keenayo Lacago cusub.

(Muqdisho, April 24, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed  ayaa sheegay in lagu howlan yahay in dalka la keeno lacag cusub oo shilling Soomaali ah, taasoo uu tilmaamay inaanay saameyn ku yeelan doonin dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in lacagta cusub loo isticmaali doono ololaha doorashada, wuxuuna xaqiijiyay inay la wareegi doonto dowladda cusub ee lagu wado in la dhiso bisha August ee sanadkan.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo wasaaradda maaliyadda ay qorshe u sameyn doonaan lacagta cusub, ayna ka shaqeyn doonaan sidii loogu beddeli lahaa tan hadda dalka taalla.

Lacagta cusub ayuu tilmaamay madaxweynaha in la siin doono shaqaalaha dowladda, laguna saleyn doono miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com