shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo booqdey goobtii shalay qaraxu ka dhacay.

(Muqdisho, April 05, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed  ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta golaha murtida iyo madadaalada Qaranka Soomaaliyeed oo ay shalay uu ka dhacay qarax ay isku qarxisay haweeney ay marin habaabiyeen kooxda Al- shabaabka ee ururka Al-qaacidada.

Madaxweyne Shariif oo ay wehliyeen saraakiisha sar sare ee ciidamada xoogga dalka, booliska iyo hay’adda nabadsugidda ayaa wacad ku maray in maxkamada lasoo taagidoono dadkii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay gudaha tiyaatarka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay baarista qaabkii uu qaraxii shalay u dhacay waxa uuna ballan qaaday in ciidii ay ku cadaato in ay fududeysay qaraxii shalay sharciga lasoo taagi doono, isagoo dhanka kalena hoosta ka xariiqay in dadka xaaladdooda wax looga qaban waayay dalka gudihiisa ay dowladdu ka shaqeyneyso sidii ay dadkaasi ugu heli lahayd daryeel caafimaad oo dibada ah.

Xarunta tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa shalay aheyd isku qarxisay haweeney isku sooxirtay waxyaabaha qarxa xilli ay ka socotay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay sanad guuradii 28 aad ee ka soo wareegtay Aasaaska TV-ga qaranka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com