shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xariga ka jaray xarunta C.I.D -da Puntland.

(Garoowe, April 03, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray xarunta guud ee baarista danbiyada ee C.I.D Puntland iyadoo dhisamaha iyo qalabaynta dhisamahan ay gacan weyn ka geysatay hay’adda UNDP Xafiiskeeda Puntland.

Munaasabadii Xariga looga jaraayey xarunta Guud ee baarista danbiyada culculus ee C.I.D Puntland ayaa waxaa Madaxweyne Faroole ku wehliyey, Madaxweyne ku xigeenkiisa Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire, wasiiro ,saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNDP Xafiiskeeda Puntland.

Mas'uuliyiinta ka socotay Hay'adda UNDP-da ayaa xafladii furitaanka kadib  Saddex gaadhi oo ay ku hawlgalidoonaan laamaha C.I.D Puntland ku wareejiyay mas'uuliyiinta C.I.D-da  isla markaana balan qaaday inay ka caawin doona hawlahooda.

Madaxweyne Faroole iyo Gen. C/samad ayaa hadalo kooban ka dhagaystay cutunyo kamid ah laanta Taraafikada  heerarka iyo casharada ay qaataan kuwaas oo ku jiray xarunta Saldhiga Booliska magaalada Garoowe.

Laamaha C.I.D ee Puntland ayaa waxa tababar siinaya Saraakiil u dhalatay dalka Jabuuti, waxaana cutubyadan ay ka kala yimaadeen sida la sheegay dhamaan gobolada Puntland iyagoo si weyn ugu xog waramay Madaxda Dowladda Puntland..

Daawo Sawiradda

webmaster@ceegaag.com