shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne waa kuma?

(Makkah Saudi Arabia, April 12, 2012 Ceegaag Online)

Bismillaah,

 

Waxaan jeclahay inaan halkan ku iftiimiyo qofka uu yahay Madaxwayne, shaqadiisu waxay tahay, waxa uu bulshadiisa u qabto, iyo waliba habdhaqankiisa diimeed.

 

Hadaan ku horreeyo Madaxwayne waa kuma, Madaxwayne waa Shakhsi bini Aadam ah, kaas oo xukunka ku gaadhey Doorasho ama Xoog. Shaqadiisu Maxay tahay?

 

Shaqada Madaxwaynuhu waa inuu bulshadiisa u adeego, isaga oo kaalmaysanaya Xirfadihiisa Hawleed ee kala duwan, kuwaas oo u sahlaya in bulshada uu Madaxwaynaha u yahay ay ku jeclaadaan Habka Maamul wanaagga iyo Cadaaladda uu ka Hirgaliyo Meelaha uu maamulo,Tusaale ahaan Madaxwaynuhu Haduu Yahay Mid Caskari ah waxa uu Hawlihiisa ugu horaysiiyaa Inuu Dhiso Ciidan Qaran waxa uuna ku dadaalaa In uu Xukunka ku ilaashto Quwad adag oo aysan Cidina loodinkarin.

 

Hadiise Madaxwaynuhu yahay Nin Aqoon leh una dhashey nin karmeed waxa uu ku dadaalaa inuu Ogaado Baahida Bulshadiisa ka dhex jirta, waxa uuna isku dayaa inuu ku xalliyo si cilmiyeeysan isaga oo dhawraya Shuruucda Dalka u dajisan,waxa uu ku dadaalaa in uu bulshadiisa u Sameeyo shaqo Abuur, Waxa uuna kaalmaystaa Dadka Aqoonta iyo Waayo Aragnimada leh kuwaas oo ka kaalmeeya horumarka Wadankiisa.

 

Hadii uu yahay madaxwaynuhu nin diin leh waxa uu ku da'daalaainuu raali galiyoilaaha abuurtey, waxa uu ku dadaalaa inuu dhawro oo ilaaliya Shacaa'irta Islaamka, waxa uu horsed u yahay Bulshada waxa uuna had iyo jeer ku dhiiri galiyaa inay ilaashtaan diintooda.

 

Madaxwaynaha Dawladda Islaamku, ma'aha Mid ka dhex baxsan bulshada, oo dhista guryo la adkeeyey oo gaara, laakiin waa Madaxwayne Bulshada Imaam u ah la tukada Salaadaha, Shaqo kasta oo khayriyana isagaa ugu hormara.

 

Hadaba akhristoow si aadan ugu daalin qoraalka waxaan jeclahay inaan Dhawr Su'aal ka soo dhex saaro Qoraalka gaaban Si aad u fahanto Ujeedada guud.

 

1. Maxay tahay Sababta ka danbaysa In Madaxwayne kasta oo Soomaaliyeed uu Dadka Cabudhiyo Isaga oo kaashanaya Aaladihiisa kala duwan, Sida; Warbaahintiisa, Ciidamadiisa, iyo Dadka ku weegaaran?

 

2. Maxay tahay sababta ka danbaysa Hadii nin Wadaad ah oo Diin lagu yaqaaney uu ku biro Dawladda Somaliyeed In Garka laga xiiro, Suurwaalka uu sii daysto, wadaadadii uu shalay ku dhex jirijirayna uu u arko Inay yihiin Xagjir aan la socon Karin wadciga? 

 

3. Shuruudaha u yaal Dawladda Qaran ee Somaliyeed ee Islaamka ah, Dastuurkeeda waxaa ku Qoran In Dalka Sharciga lagu maamulo, Hadii aan lagu dhaqmayn Sharciga Islaamka ee ku qoran Dastuurka Maxaa loogu qoraaa marka hore?

 

4. Ciidamada Somalidu Hadii ay Qof Somali ah Danbi ku helaan ama Farta loogu fiiqo Maxay u jidh dilaan Qofka inta aan maxkamadda la'gayn ee la sii wado, Hadii La rabo Qof in la xidho Suurto gal ma tahay in loo keeno Warqad ay maxkamaddu ku dalbanayso inuu Sharciga soo hor Istaago inta aan xoog iyo feedh lagu keenin?

 

Su'aalahaas oo aan koobey Isku day inaad jawaab ka bixisid.

 

Mustafa Akhyaar

Subxanakallaahuma wabixamdika ashhadu an laa ilaah ilaa anta astaqfiruka wa atuubu ilayka.

webmaster@ceegaag.com