shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Khuburada saadaasha hawada oo sheegay Roobabka Gu’ga ee Bari Afrika laga filayo ay ka yaryihiin kuwii sanadkii hore.

(New York, April 05, 2012 Ceegaag Online)

Roobabka gu'ga ee sanadkan oo meelaha qaarkood ka curtay ayaa la filaya in ay ka yaraadaan roobabkii hore ee Geeska Afrika laga filayeyey, waxaa saas  sheegtay hay'ad Maraykanku caawiyo oo u digta wadamada Geeska Afrika.

Hay'adan ayaa faafisay in roobka sanadkan lagu wado 60 - 85% taas oo keeni karta in dad badan u baahdaan kaalmo raashin ah. Saadashii hore ay hay'ada ayaa ahayd 75 - 105% iyada oo saadaashaas la sameeyey bishii February ee sanadkan.

Waxa ay hay'adu tilmaantay in wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya roobyaraantu saamayn ku yeelan karto wadamadaas ayaa wali la rafaadsan dhibaatadii ka soo gaadhay abaarihii sanadkii hore ku habsaday.

meelo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ku qaboobsaday bilowgii roobabka gu'ga, balse gobolada kale ee dalka ayaan wali laga soo tabin wax roob ah. Saadasha khubarada hawada ayaa markasta u dhicin sida loo sheego iyada xogta dhabta ahi tahay sida EEBAHA Qaadirka ahi doono.

Dhinaca kale Roobka gu'ga Bari Afrika ayaa inta badan curta inta u dhaxaysa dabayaaqada bisha March iyo bilowga bisha April ee sanadwalba.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com