shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhacdo la yaab leh oo ka dhacday xarumaha ciidanka AMISOM ee Muqdisho kadib markii Askari uu mid kale u dilay $1

 

 

(Muqdisho, April 26, 2012 Ceegaag Online) 

Askari ka mid Ciidanka AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa sameeyay arin layaab leh kadib markii Askar katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan Ugandha uu Askari kale u dilay $1  lacagta Mareykanka ah .

Sida lagu soo daabacay wargeyka New vision ee ka soo baxa dalka Ugandha Dhacdadan ayaa ka dhacday Xarun Ciidan ee AMISOM ku leeyihiin Degmada Yaaqshiid halkaas uu Askari Ugandha katirsan mid kale oo Saaxiib ahaayeen ugu dilay Hal Dollar kadib markii ay ku murmeen lacagtaas.

Askarigii dilka geystay ayaa durba gacanta lagu dhigay iyadoona loo gudbiyay dalka Ugandha oo hada lagu maxkamadeenayo waxaana soo baxaya cadeemo muujinaya Askarigan falka dilka ah geestay in uu danbiyo kale uu horey u galay.

Askariga Dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Stephen Katwesigye waxa uuna dilay Askariga lagu magacaabi jiray Corporal Erias Mungyera ee ay wada shaqeyn jireen. Stephen Katwesigye hada Maxkamadiisa kasocoaa  Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha waxa uuna iska diiday eedeemaha loo soo jeediyay iyadoona la sheegay Eedaha Askarigan loo heesto in loo hayo Cadeemo muujinaya.

Xeer ilaaliyaha maxkamadeynta askarigan dilka geystay ayaa codsaday in dib loo dhigo kiiskan oo waqtiga loo dheereeyo, waxaana dib loo dhigay maxkamadeynta askarigaan ilaa shanta bisha soo socota.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee noocaan ah oo ka dhacda Magaalada Muqdisho ee Askar katirsan AMISOM lacag aad u yar iskugu dilaan iyadoona xusid mudan in Askarta AMISOM midkiiba uu Bishii qaato lacag kabadan $1,000.00.

Www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com