shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaallo la sii qorsheeyay  oo ka dhacay degaannada ku xeeran Laascaanood iyo Buuhoodle.

(Laascaanood, April 01, 2012 Ceegaag Online)

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Somaliland  iyo ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo  ayaa saaka ka dhacay jehooyinka  kala duwan ee magaalada Laascaanood.  Dagaalkan oo socday  muddo saacado ah ayaa gaystay khasaare aan illaa hadda la ogayn muggiisa inkastoo ay jiraan dhaawac lakeenay  isbitaalka Laascaanood oo u badan dad rayid ah.


Saraakiisha labada maamul ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dagaalada maanta ka dhacay duleedka Laascaanood iyadoo dhinac kasta sheeganayo guulo ay ka gaadheen dagaalka, ciidamo Booliis iyo kuwa milatariga Somaliland ayaa la dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Laascaanood waxaana la arkayay kolonyo gawaadhida tiknikadda ah oo marba dhinac u maraya gudaha magaalada Laascaanood.

Maamulka Somaliland ayaa amray in shirkadaha isgaadhsiinta hakad geliyaan shaqadooda wolow masuuliyiinta shirkaduhu ka dhaga adaygeen amaradaas, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa kacsan iyadoo aan la saadaalinkarin wajiga uu yeelan doono dagaal danbe oo markale ka qarxa nawaaxiga magaalada.

Dhinaca kale Ciidamada Soomaaliland ayaa saaka dagaal  qorshaysan ku qaaday jiidda hore ee ay fadhiyaan ciidamada Khaatumo, Puntland iyo ciidanka degaanka Buuhoodle. Dagaalkan ayaa la sheegayaa in khasaare nafeed iyo mid moodkba uu ka soo gaadhay labada garab ee dagaallamayay. Horjoogayaasha labada garab ayaa mid waliba sheeganayaa in uu guul ka gaadhay dagaalkii maanta, balse shabakadda Ceegaag uma suuragalin in ay hesho khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labada dhinac ee saaka dagaalku dhexmaray.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com