shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo maanta furay wadooyin cusub, kuwo kalena dhagax dhigay.

 

 

(Hargeysa, April 25, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray wajigii labaad ee jidka 150-ka oo  isku xidha degmooyinka  26 June, Koodbuur iyo Gacan-libaax. sidoo kale  Madaxweyne Ku xigeenka ayaa dhagax dhigay waddo cusub oo laami ah oo dhererkeedu yahay 1.8Km oo  laga hirgelinayo xaafadda DAAMI  ee degmadda Gacan-libaax  ee magaaladda Hargeysa.

C/raxmaan Saylici oo  ka hadlay kulankaas waxa uu yidhi “Waxa noo farxad ah inaanu  maanta dhagax dhigno waddadii u horaysay ee dhex maraysay Xaafadan Daami taas oo dhererkeedu yahay 1.8Km, runtiina waa nagu qasab in xaafadaha, degmooyinka iyo gobolada dib uga dhacay horumarka in la soo gaadhsiiyo meelaha kale ee horumarka gaadhay, waana waajib in khayraadka la baahiyo oo la gaadhsiiyo gobol kasta iyo degmo kasta oo ka mida Somaliland, Dadweynaha  xaafadan ku dhaqana aad ayaan ugu hambalyeynayaa abaabulka ay sameeyeen.”

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa xadhiga ka jaray waddo laga dhisay xaafadda Jameecadda oo dhererkeedu yahay  1.9m taasi oo isku xidha xaafadda Jameecadda illaa xaafada libaaxyadda. Waxaanu maayarku u mahad celiyay dadweynaha xaafadahaasi ee ka qeyb galay lacagtii qaadhaanka ee lagu dhisay jidkan. Waxa kale oo uu Eng. Xuseen xadhiga ka jaray waddo kale oo laga dhisay xaafadda Jig-jiga yare ee degmadda Koodbuur ee magaaladda Hargeysa.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com