shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

S/Guud Mohamed Ali Samatar oo hambalyeeyay Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

(Virginia, April 11, 2012 Ceegaag Online)

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa hambalyo u diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed xilli maalinta barrito ah ay ku beegan tahay sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo dhan kale ku baaqay in ciidamada Xoogga la gaadhsiiyo sidii markii hore ay ahaan jireen.

S/Guud Maxamed Cali Samatar oo warbaahinta la hadley isaga oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ugu horreyn hambalyo diiran u diray ciidammada Xoogga dalka oo maalinta barrito ah ay ku beegsan tahay maalintii dhidibada loo taagay   April 12, 1960 isagoo sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ahaan jireen ciidamamda ugu horreeya Qaaradda Afrika.

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa tilmaamay in ciidammada Xoogga dalka astaamahooda ay ka mid yihiin in ay shacabka  taageeraan, isla markaana ay Difaacaan dalka, isagoo ka sheekeeyay taariikhda ciidammada,xusayna in markii hore  lagu aas aasay 17-sargaal kaddibna ay gaareen ciidanka Afrika ugu xoogga badan.

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa hoosta ka xariiqay in ciidammada Xoogga dalka ay ahaayeen ciidan hal haddaf leh, waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadda loo baahan yahay in lagu dadaallo sidii loo gaarsiin lahaa sidii horre, Waxa uu farta ku fiiqay in ciidammada dhismahooda aysan ahayn wax sahlan, laakin lagama maarmaan ay tahay in ciidamamda Xoogga dalka ee hadda jira in la Tayeeyo oo lagu dadaallo Tababarradooda  iyo dhinac walba oo noloshooda quseysa.

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa xusay in ciidammada Xoogga dalka Taariikhdooda aan si kooban looga sheekeyn Karin, balse uu rajeynayo in ay soo celiyaan sharaftii iyo astaamihii dhabta ahaa ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa ugu dambeyntii ciidammada Xoogga dalka ku boggaadiyay guullaha ay ka gaareen howlgallada ay dalka ka wadaan, waxa uuna dowladda Federaalka KMG Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaadato kaalinta uga aadan Tayenta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com