shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare C/weli Gaas: Qaxara weerar fuleynimo ah ayuu ahaa oo ay fulisay Alshabaab waana caado lagu yaqaano argagixisada.

(Muqdisho, April 04, 2012 Ceegaag Online)

Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay qaraxii ka dhacay Golahii Murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuusan qaraxaasi ka soo gaarin isaga iyo wasiiradiisa wax khasaare ah oo ay ka badbaadeen.

Ra’iisul wasaare C/weli Mohamed Ali  ayaa sheegay in falkaasi qaraxa ah ay ku geeriyoodeen  Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Siciid Mugaanbe oo ahaa madaxdii isboortiga Soomaaliya, iyo 4 kale isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay golaha Murtida iyo madadaallada ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in qaraxii maanta ay fulisay garbar goobta ku sugnayd, iyadoo xiligaasi uu sheegay in isaga uu halkaasi khudbad ka jeedinaayay. "Wuxuu ahaa qaraxa weerar fulaynimo ah oo ay fulisay Al-shabaab, waana caado ay leeyihiin markii looga adkaado dagaalka" ayuu yiri Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ra'iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaraha ayaa sheegay inuusan qaraxsasi waxba u dhimayn mooralka Xukuumadda, islamarkaana ay sii shaqayn doonaan, wuxuuna sheegay inay dowladda KMG ah ku dadaali doonto sidii loo adkayn lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com