shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Hargeysa oo markii ugu horeysay laga hawlgaliyay mashiino sida Kalyaha dhiiga sifeeya.

(Hargeysa, April 18, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa maanta ka qaybgalay xaflad loo sameeyey furitaanka iyo hawlgelinta qalab loogu talagalay in caafimaadka Kaliyaha Aadamaha wax lagaga qabto, taasoo lagu qabtay xarunta Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Saylici Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland oo isagu kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in Mashiinka sifeeya kelyaha uu yahay adeeg caafimaad oo baahi badan loo qabay, isla markaana qofka Kelyuhu xanuunaan aan gudaha waxba lagaga qaban jirin ee loo qaadi jiray dalalka dibedda sida Itoobiya, wadamada Carabta iyo Malaysia, India, Pakistan, Germany iyo meelo kale.

Sidoo kale waxaa xafladaas ka Hadley Wasiirka Caafimaadka Maamulka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed isagoo ka sheegay xafladaasi in dhakhtarka guud ee magaalada  Hargaysa uu yahay halka u dambaysa ee qofka bukaan socodka ah la geeyo marka gobolada waxba lagaga qaban waayo ayna ka hawlgalaan ugu yaraan 20 dhakhtar oo ka kala socda wadamada Finland, Russia iyo India.

Dr. Xuseen ayaa intaas  ku daray in adeegyo cusub oo kale ay ku soo kordhiyeen Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo ay ka mid tahay sida uu xusay hooyooyinka ay fooshu ku raagto ee qaliinka u baahan oo lacag la’aan ay ka dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo adeeg caafimaad oo wax lagaga qabanayo cudurrada Kelyaha dadka asiiba laga hirgeliyo magaalada Hargeysa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com