shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Foosiya Maxamed Cali Geedeeye. oo shalay ku geeriyootay magaalada Burco.

 

(Burco, April 24, 2012 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Waxaa maalintii shalay oo isniin ahayd, bisha April 23 keedii  ku geeryootay magaalada Burco, ALLA HA U NAXARIISTEE Foosiya Maxamed Cali Geedeeye. Marxuumada waxay ahayd  shakhsi wanaag oo ku sifawday dad iyo diin jacayl.  Waxay ahayd mid alla ka cabsiga iyo cibaadada ilaahay aad ugu dadaali jirtay, mar walbana gargaari jirtay ummadda muslinka ah ee ay la noolayd .

Dhammaan qoysaska reer Yussuf geedeeye iyo reer Ibrahim Xiirey waxay tacsi u dirayaan hooyo Cudbi Abokor iyo caruurtii ay marxuumaddu ka geeryootay iyo qoyskii, qaraabaddii, asxaabtii alla ha u naxariistee Marxuumad Foosiya Maxamed Cali meel kasta oo ay joogaan.

WAXAANU ILAAHAY KA BARYAYNAA INUU MARXUUMADDAAS  NAXARIISTII JANNO KA WARAABIYO, DHAMMAANTEENNA SAMIR IYO IIMAAN INAGA SIIYO

AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN ……

Sidoo kale anagoo ah bahda Ceegaag Online waxaan tacsi u direynaa dhamaan eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Foosiya Maxamed Cali Geedeeye Waxaana Ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumada Janadii Fardowsa ka waraabiyo inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo. Aamiin

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com