shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Oo Waraaqihii Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjire Falastiin U Soo Magacowday Soomaaliya

(Muqdisho, April 21, 2012 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Dimoqraatiga ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Danjire cusub oo ay Falastiin u soo magagacawday Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u soo magacawday dowlada Falastiin oo lagu Magacaabo Kaamil C/llaahi ayaa madaxweyne Shariif maanta ka guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga,  isagoo tilmaamay in Soomaaliya iyo Falastiin uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah haddana ay sii xoojinayaan xiriirkaasi.

Danjiraha cusub ee Falastiin u soo magacawday dalkeenna oo hadlay ayaa uga Mahadceliyay madaxweyne Sheekh Shariif soo dhaweeynata iyo sida niyadsamida leh ee uu uga guddoomiy waraaqihiisii aqoonsiga, isagoo muujiyay in uu ku faraxsanyahay in uu safaaradda Falastiin ka furo Muqdisho.

Tan iyo markii kooxda Alqaacidda laga saaray Muqdisho ayaa waxaa isa soo tarayay waddamada Safaaradahooda ka furanayay Muqdisho,  iyadoo xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay uu ka furanyay Muqdisho, taasina waxa ay ku timid dadaalka farahabadan oo ay muujisay dowladda KMG ah.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com