shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun: Xaajiyo Faadumo Xaaji Cali  oo saaka ku geeriyootay magaalada Burco.

(Burco, April 11, 2012 Ceegaag Online)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”

Waxaa maanta ku geeriyootay magaalada Burco ee gobolka togdheer ALLA hu naxariistee Xaajiyo Faadumo Xaaji Cali Cilmi Iidle.

Xaajiyo Faadumo ayaa ahayd 93 jir iyadoo ahayd ruux ku cimriyay caabudaadda ALLE iyo diin jacayl. Xaajiyo Faadumo Xaaji Cali Waxay ku dhalatay tuulada LAASADAAR ee gobolka Cayn bishii January 21, 1920 oo ku beegnayd maalintii diyaaradaha Ingiriisku duqeeyeen Xarunta Daraawiishta ee magaalada Taleex.

Xaajiyo Faadumo ayaa ahayd hooyo soo barbaarisay aqoonyahanno iyo masuuliyiin xilal waayayn oo kala duwan ka soo qabtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Xaajiyadda ayaa ifka kaga tagtay 75 qof oo isugu jira waxay dhashay iyo waxay siidhaleen.  Xaajiyo Faadumo ayaa isla maanta lagu aasey qabuuraha magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee dalka Soomaaliya.

Waxaan Leenahay anagoo ah bahda Ceegaag Online Samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo geerida xaqa ah ee ku timid Marxuumad Faadumo Xaaji Cali Cilmi marxuumadana  janadii Fardowsa ALLE hakawaraabiyo AAMIIN.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com