shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ergayga EU-da u qaabilsan arimaha geeska Afrika.

(Muqdisho, April 19, 2012 Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Mr Alexander Rondes iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Yurub oo kaalin weyn ka qaata taageerada Dowladda KMG ah.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Xafiiska Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaare C/weli Gaas isaga oo xusay in Mr.Rondes ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Midowga Yurub, isaga oo ku ammaanay inay qeybta ugu weyn ka qaataan sidii loo meel madhinlahaa qorshaha Tubta Nabadda (Roadmap), taasoo ah howsha ugu weyn ee hortaala Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed xilligan kala guurka.

“Midowga Yurub waxaan ka wada hadalney dardar gelinta hanaanka hadda socda ee Roadmap-ka, dhameystirka dastuurka, soo xulidda baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda la filayo August oo ay Soomaali u mideysan tahay oo aan noqoneyn isku aragti eyna taageero ballaaran ee ay u fidiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waana taageeraha ugu weyn ee gacanta ka geysta sidii loo dhaqangelin lahaa Qorshe howleedka dowladda ee Roadmap” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Gaas.

Sidoo kale waxaa isna warbaahinta la hadlay Mr. Alexander Rondes oo guul ku tilmaamay inuusan aheyn markii ugu horeysan uu yimaado  Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho uuna wadahadalo midho dhal ah la qaato madaxda dowladda oo uu ugu horeeya Ra’iisal Wasaare Dr. C/weli isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan oo ay ka wadahadleen ay si wanaagsan isula meel dhigeen.

“Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Pro.Gaas iyo soo dhaweynta na loo sameeyay, Sidoo kale Wuxuu sheegay in wadahadala ay la qaateen ra’iisul Wasaaraha uu ula noqon doono Midowga Yurub si loogu sharaxo wadamada ku jira midowga Yurub". ayuu yidhi Mr Alexander Rondes

Si kastaba ha ahaatee Mr Rondes ayaa ku amaanay isbadeleda hormarka leh oo ay sameysay dowladda KMG ah gaar ahaan Magaalada Muqdisho, Sidoo kale wuxuu ugu danbeyntii u mahadceliyay saxaafada, isagoo ku amaaney sida ay u tabiyaan wararka ku saleysan xaqiiqda.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com