shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sida caadada u ah Jaaliyada Reer Virginia oo xaflad Soodhaween ah u sameeyay Raysalwasaaraha Soomaaliya

(Washington, Sep 18, 2011 Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare ah oo loo soo agaasimay oo ay Somalida Qurbojoogta ah soo qaban qaabiyeen. Xafladan oo lagu Qabtay Virginia oo ay ka soo qeybgaleen Somalida degan Virginia iyo Washington DC ayaa waxaa goobta ka hadlay Qabanqaabiyeyaashii xafladda, A/Qadir Aden Adde, Xildhibaanad Fadumo Insaniya iyo Ra'iisul Wasaaraha oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Qurbojoogta kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka amniga, gar-gaarka bani'aadanimo iyo siyaasadda. Ra'iisul Wasaaraha waxuu sheegay in Al-Shabaab laga adkaaday, oo si xoog ah looga saaray caasimadda, dowladduna ay dejisay Qorshe lagu xasilinayo caasimadda dalka oo uu xusay in mudnaanta la siiyey sidii goobihii ay ka baxeen loo xasilin lahaa, loogu sameyn lahaa maamulo iyo sidii shacabka tabaaleysan loo gaarsiin lahaa gar-gaarka. Ra'iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday arrimaha gar-gaarka bani'aadanimo ayaa sheegay in heerka macluusha uu yahay kii ugu xumaa 60kii sano ee la soo dhaafay.

Ra'iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in caalamku ay ka soo jawaabeen baaqii dowladda Soomaaliya, ha yeeshee baaxadda barakacayaasha ayuu ku tilmaamay inuu u baahan yahay gargaar joogta ah iyo qorsheyaal mustaqbalka dhow iyo kuwa fog, si looga hortago inay macluushan oo kale soo noqoto, oo uu sheegay in loo baahanyahay in mashaariic horumarineed loo abuuro shacabka Soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in booqashadii uu Madaxweynaha iyo isagaba ku tageen Puntland iyo tii uu RW ku tegey Galmudug ay ahaayeen booqashooyin muhiim ah oo xoojisay xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidoo kale RW waxuu ku tilmaamay guul taariikhi ah kulankii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho 4 - 6 Sept oo uu sheegay in Soomaalidii isu timid ay muddo 3 cisho ah ku qabteen howlo muhiim u ah dalka, isla markaana la isku af-gartay Roadmap la rabo in la fuliyo 12ka bilood ee soo socda.

Daawo Sawiradii Xaflada

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854

 

webmaster@ceegaag.com