shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shil  Baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 

(Laascaanood, Sep 25, 2011 Ceegaag Online)

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhaawacmay shilbaabuur oo galabta ka dhacay meelhilaadda 3 km miter ka xigta dhinaca galbeedka laamiga Laascaanood. Gaadhigan oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaa MADAX-KANOOL ayaa ka soo kicitimay magaalda  Yeyle kuna sii jeeday magaalada Laascaanood. Waxaa shilkaaas gaadhi u gurmaday dadwaynaha degan magaalada Laascaanood oo uu horkacayay isuduwaha haya’adda USA MERCY ee gobolka SOOL Axmed Cabdicasiis Warsame (Axmed dheere). Dadkaas dhaawacmayay ayaa qaarkood loo qaaday magaalada Burco xagga kuwo kalana lagu daawaynayo cusbitaalka guud ee Laascaanodd iyo ka Almanhal. Goordhawayd oo aan khadka telephoonka kula xidhiidhnay maamulaha cusbitaalka Almanhal Dr. Cabdirashiid Maxamuud Cali Saxar ayaa noo xaqiijiyay in dadkaas dhaawaca ah ay dawayntooda gacanta ku hayaan intooda badanina ay hadda soo roonaanayaan waloow ay jiraan dad qaba dhaawacyo culus una baahnaan doona qalliin.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com