shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Salaad Roob-doon ah oo ay hormuud u ahayd hay'adda Qadar Charity oo lagu tukaday Fagaaraha Tarabuunka
 

(Muqdisho, Sep 24, 2011 Ceegaag Online)

Salaad roob-doon ah oo ay hormuud u ahayd haya'dda Qadar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa lagu tukaday shalay oo Jimco ahayd fagaaraha tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, waxaana salaaddaas kasoo qaybgalay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.
 
Salaadda oo qayb ka ahayd mid caalamka oo dhan laga tukanayay ayaa waxaa dadkii tukaday ka mid ahaa barakacayaaha abaaraha, dadweyne kala duwan, xubno iyo shaqaale ka tirsan hay'adda Qadar Charity, maamulka iyo ardayda jaamacadda Muqdisho.

Ugu horreyn, waxaa khudbad ka jeediyay goobta salaadda lagu tukaday mas'uul ka socday hay'adda Qatar Charity wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu ALLE u towbad celiyo, si Ilaahay uu ugu naxariisto addoomadiisa.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar uu isaguna hadal ka jeediyay goobta salaadda lagu tukaday ayaa sheegay in salaadda roob-doonka ah dunida oo dhan laga tukanayo ayna hormuud u tahay Qatar Charity, isagoo intaas ku daray in salaaddan Alle looga baryayo inuu roob ku shubo dhulka oo dhan.
 
Boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo ayaa goobta lagu soo bandhigay, kuwaas oo erayadii ku qornaa ay ka mid ahaayeen: "Jimcatul Raxma" oo macnaheedu yahay Jimcadii naxariista oo loola jeeday rajada shacabkii goobtaas ku tukaday oo ahayd in ALLE uu roob kusoo daadiyo ummadiisa ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isagoo uga mahadceliyay haya'dda Qatar Charity fikirka cusub ee ay keentay, kaasoo ah in Alle si wadajir ah looga tuugo raxmaddiisa, maadaama uu dalka ka jirto abaar caam ah.

Dadweynihii salaadda roob-doonka ah tukaday ayaa waxay iyagoo gacmaha sare u qaadaya ALLE ka baryeen inuu roob u keeno si ummaddu ay uga baxdo abaaraha, waxaana intii ay ducadu socotay soo da'ay roob yar, waxaana cirka ka muuqday daruuro roobaab madow.
 
Hay'adda Qadar Charity ayaa waxay Soomaaliya ku leedahay xafiis weyn oo ka shaqeeya dhinacyada: gargaarka bani'aadamnimo, waxbarashada, caafimaadka, xanaaneynta agoonta, dhismaha masaajidda, qodidda ceelasha biyaha, kaalmeynta dadka danta yar iyo howlo kale oo fara badan.
 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

webmaster@ceegaag.com