shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisul Wasaare Abdiweli iyo Ra'iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan oo ku kulmay New York

(New York, Sep 22, 2011 Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Ra'iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan. Labada Ra'iisul Wasaare ayaa qaatay kulan waqti dheer socday. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ah ay ka go'antahay saacidaada shacabka soomaaliyeed iyo dowladdoodaba. Waxuu sheegay in safaaradii Turkiga laga furay Muqdisho, isla markaana la bilaabay mashaariicdii uu ballanqaaday. Waxuu kaluu sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii wado saacidaada oo muddo dhow la dhisi doono Isbitaal qaada 200 sariir, waddooyinka, airportka, Iskuulo iyo mashaariic kale. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey RW Turkiga sid geesinimada leh ee uu u qaatay inuu caalamka u horseedo sidii loo saacidi lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxuuna uga mahadceliyey booqashadii uu ku yimid Muqdisho, oo uu sheegay inay bilow u aheyd booqashooyin isdaba joog ah oo mas'uuliyiinta caalamka ay ku imanayeen Soomaaliya, taasoo wax weyn ka bedeshay fikirkii caalamku ka qabay Muqdisho. RW Abdiweli ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda u baahantahay dhismaha hay'adihii dowliga ahaa (Institutions) iyo mashaariic si Soomaalida ay isagu tashato mustaqbalka.

Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu u istaagayo arrimaha Soomaaliya kala hadlayo madaxda caalamka, oo uu sheegay inay waajib ku tahay caalamka inay xal u helaan arrimaha Soomaaliya.

 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854

 

webmaster@ceegaag.com