shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mahiga oo ka hadlay sida loo Hirgalinayo iyo Qodobada kazoo baxay Shirka.

(Nairobi, Sep 08,  2011 Ceegaag Online)

Ergayga Gaarka ah Ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augoustine Mahiga oo waraysi siiyay Laanta afka Soomaaliga Ee BBC ayaa faafaahin ka bixiyay Shirkii wadatashiga oo Dhawaan lagu Soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.
 

Ambassdor Mahiga waxa uuna Sidoo kale waraysigiisa kaga hadlay Dastuurka Dhimista Baarlamaanka iyo in laga Gudbo KMG loona Gudbo Dowlad Dhamaystiran oo ka kooban dhamaan qeybaha kala Duwan ee Soomaalida

 

Mahiga oo la Weydiiyay Su’aal aheyd in la sameeyo dastuur islamarkaana la badalo Qaabka loo soo dooranayo baarlamaanka iyo Madaxweynaha Maxaa Muhiim ka Dhigay xiligaan ayaa waxa uu ku jawaabay Somaliya Malaheyn Mudo 21 sano wax dastuur ah waxaana jiray Heshiis iyo Cahdi KMG ah oo la aqbalay 17 sano kahor taa oo aan la helin Fursad lagu Meel mariyo.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay Mahiga waxa Muhiim ka dhigay Xiligan in la Hor mariyo Nabada iyadoon aan la helin Ciidamo dheeraad ah ayaa waxa uu ugu Jawaabay Q.M waxa ay ansaxisay in la kordhiyo Ciidamada Dheeraadka ah Ee la Geynayo Soomaaliya lana Gaarsiiyo ilaa iyo 12,000 oo askari waana Mida aan ku falanqeyn doono Shirka Q.M ay yeelanayso 14 bishan.

 

Ambassdor Mahiga waxaa kaloo wax laga Weydiiyay Shirka Sababaha Dhinacyada Soomaalida ay ugu qeyb qaadan waayeen Gaar’ahaan Ururka al-Shabab waxa uuna Sidoo kale ku jawaabay In ururka al-Shabab Marar badan loo bandhigay in ay ka qeyb galaan Shirka balse ay gaashaanka u daruureen waxa uuna Shaaca ka qaaday in aysan Muuqan Ifafaalo muujinayay in al-Shabab ay wadahadalo qaataan.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com