shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo in ka badan 700 oo Arday u soo gabagabeysay toddobaadka aqoonta iyo dhaqanka

(Muqdisho, Sep 03,  2011 Ceegaag Online)

Jaamacadda Muqdisho ayaa in ka badan 700 oo arday u soo gabgabeysay maanta barnaamij ay ardayda cusub isku dhaafsanayeen aqoonta guud iyo habka nidaamka waxbarasho ee jaamacadda Muqdisho.

 Intii uu barnaamijku socday waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ka hadlaya waxqabadkii jaamacadda Muqdisho iyo marxaladihii ay soo martay, waxayna ardada cusub ka faa'iideysteen heerarka kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay.
 
 "Waxaan idinku soo dhaweynaynaa gacmo furan iyo niyad qaali ah - waxaadna tihiin dufcaddii 15-aad ee kusoo biirta Jaamacadda Muqdisho," ayuu yiri diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho Dr Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan).

 

 Ardayda cusub ayaa soo bandhigay fikarado dhinaca aqoonta oo ku saleysan suugaan, waxayna muujiyeen sida ay ugu han-weyn yihiin inay waxbarashada jaamacadeed ee ku cusub ay dhameystaan si ay u hiigsadaan jiilalkii ka horreeyay ee ka baxay jaamacadda.
 
 "Sawirka ay warbaahinta caalamku ka gudbiso Soomaaliya ma ahan mid qurxoon, balse waxaa markhaati ka tihiin inay Soomaaliya ka jirto waxbarasho iyo qurux ka duwan warbaahinta calaamku gudbiyo," ayuu yiri Ibraahim Maxamed Mursal oo ah guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee arrimaha maamulka.
 
 "Jaamacadda Muqdisho waxay astaan u tahay inay ardadydeeda kula dhaqanto cadaalad iyo sinnaan," ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiye ku xigeenka maamulka ee jaamacadda Muqdisho.
 
 Dhanka kale, waxaa ardaydii hore ee jaamacaddu ay soo bandhigeen gurmadkii ay u fidiyeen bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca abaaraha, iyagoo ardayda cusub ku guubaabiyay inay qayb ka noqdaan gurmadkaas.
 
 Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay sannadkii 1997-dii, waxaa ka qalin-jabiyay 14 dufcadood oo bartay qaybaha kala duwan ee cilmiga, iyadoo dufcaddii 15-aad ay noqonayaan ardayda cusub ee hadda kusoo biiray.

 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

cnaasir114@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

webmaster@ceegaag.com