shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dalka Ethiopia ayaa ku guuleysatay tartankii koobka Ramadanta ee dhax maray Ardayda Ajaaniibta ah ee wax ka barata Jaamacadaha wadanka India.

(Hyderabad, Sept 01,  2011 Ceegaag Online)

Tartankan oo ahaa mid ay isku arkeen ilaa 12 wadan ayaa lagu qabtay Magaalada Hyderabad ee Dalka Hindiya, waxaana Ciyaartii Final-ka isugu soo baxay wadamada Ethiopia iyo Iraq

 

Ciyaarta Finalka oo ka dhacdey garoonka Masabtank ee magaalada Hyderabad ayaa waxaa ku guuleysatay Dalka Ethiopia oo 4-1 (Afar iyo Hal) ugu itaal roonaatay Dalka Iraq, Ciyaarta kadib ayaa waxaa Koobkii la Gudoonsiiyay Captain-ka Kooxda Dalka Ethiopia Mr.Amiin Osman (Amiinza), halka Ciyaal wanaaga la gudoonsiiyay Ciyaartayga Caanka ah ee Mohamed Abdi (Jiiji).

 

Koobkan oo hirgilintiisa iyo abaabulkiisa ay iska kaashadeen dhamaan Ardayda Ajaaniibta ee wax ka barta Dalka India, ayaa Mudadii uu koobkani socday waxaa u soo daawasho tagi jiray taageerayaal badan oo isugu jira Ajaanib iyo Hindi jecel daawashada ciyaaraha gaar ahaan Kubadda cagta.

 

 

 

Wadamada ka qayb galay Tartanka Ramadaanta ee Sanadka 2011

 

1.      Somalia

2.      Djibouti

3.      Ethiopia

4.      Iraq

5.      Vietnam

6.      Congo

7.      Eritrea

8.      Yemen

9.      Afghanistan

10. Ivory Coast

11.  Sudan  iyo

12. Tanzania

Daawo Sawiradda

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com