shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Duuliye sare Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo 20 sano ka dib soo booqatay Muqdisho, deeq ka kooban lacag iyo daawooyina gaarsiisay maamulka iyo Bukaanada isbitaalka Forlanini(Daawo Sawirada)

(Muqdisho, Sep 17, 2011 Ceegaag Online)

Duuliye sare Asli Xasan Cabaade oo ah Haweeneydii Soomaaliya ug horeysay ee noqota Duuliye ayaa shalay booqasho ka timid magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka soo ambabaxday gobolka Texas ee dalka Maraykanka oo ay ku nooleyd 20kii sano ee la soo dhaafay, dalkuna uu ku jiray xaaladaha burburka iyo dowlad la’aanta, iyadoo ay magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Asli oo ay la socdeen xubno ka tirsan golaha wasiirada dowlada Somalia iyo xildhibaano isla markaana xiran lebis laga sameeyey calanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta booqatay isbitaalka Forlanini oo ku yaala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kaasoo xiligii beri samaadkii lagu daweyn jiray dadka dhimirka looga jiro, hase ahaatee hadda lagu daweeyo caruurta iyo haweenka Soomaaliyed ee ka soo barakacay abaaraha iyo kuwa danyarta ah.

Isbitaalka ayaa waxaa howlo caafimaad oo lacag la’aan ah ka wada dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal ajaaniib ah oo ka socday dalka S/Afrika, waxaana ugu horeyn Marwo Asli Calansida iyo xubnaha la socday ay ku soo wareegeen qeybaha uu isbitaalkaasi ka kooban yahay sida saalada, khaliinka, Farmasiga dawooyinka, iyo qeybta bukaan jiifka, waxaana warbixin ku siiyey masuuliyin ka tirsan maamulka isbitaalkaasi, iyadoo Marwo Asli ay indhaheedu soo dhaaftay ilmada, ka dib markii ay ka calool xumaatay dhibaatada xoogan ee ka muuqatay caruurtii iyo hooyooyinkii Soomaaliyeed ee jiifay isbitaalka Forlanini, kuwaasoo qabay cuduro kala duwan iyadoo dhunkatay Caruurta halkaas jiiftay qaarkood.

Duuliye Asli iyo xubnaha la socday ayaa waxaa warbixin guud oo ku saabsan xaalada isbitaalka siiyey agaasimaha isbitaalkaasi Cabdi Calasow Caddow iyo ku xigeenkiisa Dr. Yuusuf Cabdi Samow kuwaasoo sheegay in isbitaalka dib loo howlgeliyey bil ka hor ka dib markii ay magaalada inteeda badan ka baxeen ciidamadii Xarakada Al-Shabaab ee gacanta ku hayey, waxayna xuseen isbitaalka ay jiifaan haween iyo caruur badan oo qaba cuduro kala duwan, ayna ka howlgalaan dhaqaatiir ajaaniib ah oo qalab caafimaad keenay, iyagoo ka waramantay baahida isbitaalka oo ay sheegeen iney ugu daran tahay burbur xoogan iyo dayactir la’aan heysata.

Marwo Asli Xasan Cabaade ayaa ka dib waxay maamulka isbitaalka ku wareejisey deeq daawooyin ah iyo lacag ay loogu talo galay bukaanada isbitaalkaasi, waxaana halkaas hadal kooban oo ay ka jeedisay munaasabadii deeqdaasi lagu wareejinayey ay sheegtay Marwo Asli iney si aad aad ah ugu faraxsan tahay socdaalka ay ku timid magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay 20 sano ka hor sida ay sheegtay, iyadoo tilmaantay iney ka naxday markii ay magaalada timid burburka xoogan ee ay ku reebeen dagaalada iyo xaalada dadka tabaaaleysan.

“Dhibaatada heysata carurteena iyo dadkeena ayaa i soo kicisay iguna qasabtay inaan socdaal ku imaado magaalada Muqdisho si aan indhaheyga ugu soo arko dhibaatada taagan ee dadkeena heysata, anigoo horey u soo qaaday deeqdan daawada ah oo aan ka soo ururiyey igana gacan siiyey dhaqtar muslim ah oo India u dhashay iyo Jaaliyada dadka muslimka ah ee Texas aan iskula nool nahay kuwaasoo si ILAAHAY dartii ah howshaas u qabtay” ayey tiri Marwo Asli oo u mahad celisay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Forlanini kuna amaantay howsha ay bulshada u hayaan, iyadoo xustay iney marka ay ku laabato dalka Maraykanka ay bilaabi doonto qeylo dhaan ku aadan sidi kaalmo balaaran loo soo gaarsiin lahaa dadka soomaaliyed ee dhibaateysan ayna socdaal ku mari doonto wadamada Yurub, si uga qisooto waxyaabihii ay kala kulantay socdaalkeeda magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday jaaliyadaha Soomaalida iney sii labo jibaaraan kaalmada ay u soo diraan walaalahood.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Ibraahim Shugri Shiikh Axmed oo ah wasiir ku xigeenka kalumeysiga xukuumada Soomaaliya oo Marwo Ali Calansida uga mahad celiyey booqashada ay ku timid magaalada Muqdisho iyo sida ay uga damqatay xaalada shacabka Soomaaliyed wuxuuna xusay in la tashi ay la sameeyeen madaxweynaha Somalia lagu go’aamiyey in isbitaalka forlanini la geeyo Marwo Asli maadaama uu yahay isbitaalkii ug dambeeyey ee dib u howlgala uuna qabo baahi badan.

Agaasimaha Isbitaalka Forlanini Cabdi Calasow Caddow oo gudoomay deeqdaas ayaa u mahad celiyey Asli Xasan Cabaade, isagoo xusay in deeqdan ay wax ka tareyso badbaadinta iyo daweynta caruurta halkaas jiifta, isagoo ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyed ee dibeda iyo dadka ILAAHAY wax siiyey iney ku daydaan Marwo Asli Calansida oo uu sheegay iney muujisay qiiro wadaninimo iyo naxariis ku saleysan dad iyo dal jaceyl, waxaana intaa ka dib halkaas Maama Asli ay ugu qeybisay hooyooyin Soomaaliyeed oo danyar ah deeq lacageed oo ay ugu talo gashay iyadoo xiliga ay deeqda qeybineysay ay ilmadu ka qubaneysay.

Marwo Asli Xasan Cabaade (Calansido) ayaa isla galabta ka duushay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo ku laabatay gobolka Texas ee dalka Maraykanka oo ay degan tahay ka dib markii ay dhameysatay safar 24 saacadood qaatay oo ay ku timid magaalada Muqdisho, waxaana duuliye Asli Calansida ay ka mid tahay shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo wadaniyada iyadoo umada Soomaaliyed ALLE uga bariday inuu dhibaatada ka qaado.

Taariikhdu markii ay aheyd 09/09/76, waa maalin xusuus gaar u ah Ciidanka Cirka iyo taariikhda Gabdhaha Soomaaliyeed, waana maalintii ugu horreeysay ee gabar Soomaaliyeed ay kaligeed ku duusho diyaarad Cessna 150 ah, iyadoo baal cusub u furtay in gabdhaha Soomaalieed aysan wiilka ka gaabin, dharaar cadna waxay jebisay heerkii raggu xayndaabka ka dhigtay, waxaana duullimaadkaas ka dib Ciidanka circa Soomaaliyed uu ugu waqlalay "Dhiirran", hase yeeshee, magacoodii waxaa ka xoog batay kii "Calansida" oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ula baxeen intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ee 2000 lagu qabtay magaalada "Carte" ee Jamhuuriyadda (Djibouti).

Xigasho: Dayniile

 

webmaster@ceegaag.com