shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhakhaatiir ka socotey dalka Turkey oo adeegyo caafimaad ka bilaabay Gaalkacyo

(Gaalkacayo, Sep 23, 2011 Ceegaag Online)

Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaabmay kaalmo caafimaad oo balaaran ayna wadaan dhakhaatiir taborucaad uga yimid wadanka Turkiga ee aynu walaalaha nahay. Dhakhaatiirtan oo gaaraysa 14 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh sida Qaliimada guuda, Caruurta, Dhagaha/Sanka/Cunaha (ENT), Dhakhaatiirta wax suuxiya, Dhakhaatiirta cudurada guud, Farmashiistayaal, Sheybaaristayaal iyo kuwo kale. Gaalkacyo waxay dhakhaatiirtu soo gaaren maalintii Khamiista (22-Sept-2011) waxaana si weyn usoo dhaweeyey Wasiirka Caafimaadka Puntland, Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Dhakhaatiirta Gobalka Mudug, Isimada,Shaqaalaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhakhaatiirtu waxay saakay hawlgalkoodii ugu horeeyey ee Puntland ka bilaabeen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxayna dhakhaatiirtu qaabileen dad aad u faro badan oo bukaano ah kuwaas oo iska diiwaangaliyey Isbitaalka todobaad ka hor imaatinka dhakhaatiirta waxaana Isbitaalku uu dadkaasi siiyey kaarar ay dhakhaatiirta kula kulmayaan. Dhakhaatiirtu waxay saaka bilaabeen eegista bukaanada ugu yimid xanuunada kala duwan waxayna qaabileen dad ka badan 200 oo qof oo bukaano ah kuwaasi oo daaweyn iyo qaliimo loo sameeyey. Qaliimada ay sameeyeen dhakhaatiirtu maantey waxa ku jirey kuwo culus oo ay isugu tageen taladooda iyo aqoontooda iyo kuwo fudud.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in shaqada dhakhaatiirtu ku bilaabatey sidii ay ugu talagaleen oo horey loogu qorsheeyey, dhakhtar kasta wasaaddu waxay u diyaarisay 3 qof oo isugu jira dhakhtar la shaqeeya iyo labo kalkaaliye oo caawiya. Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin shaqada ay ka bilaabeen Gaalkacyo iyagoo aad iyo aad uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirnayd iyo abaabulkii loo galay soo dhaweyntooda iyo martigalintooda.

Dadka laga diiwaangaliyey Isbitaalka Gaalkacyo waxay kor u dhaafayaan 1500 oo qof sida uu sheegay madaxa xogta ee Isbitaaliu, Maamulka Isbitaalka iyo shaqaaluhuba waxay u shaqeynayeen si aad u sareysa iyagoo shaqada u maareeyey hab wanaagsan waxayna horey waayo aragnimo uga heleen dhakhaatiirtii hore ee Turkey ee dalka timid 2010 kuwaas oo aad u shaqo badna aana ogoleyn caajis iyo in meel la iska fadhiyo.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Mudug Axmed Faarax ayaa saxaafada u sheegay in dhakhaatiiru ay maantey qaabileen 286 qof oo 6 ka mid ahi ay ahaayeen qaliimo aad u culus, kuso daawooyin loo qorey iyo kuwo ay sheegeen inaysan wax uga qaban karin Soomaaliya aysana waqtigan la socon dhakhaatiirtii qaabilsanaa qaliimada iyo kabida lafaha, Indhaha.

Imaanshaha dhakhaatiirta Turkey wax badan ayaa la sugayay waana kalkii labaad oo ay dhakhaatiir ka socota wadanka Turkey ay hawlo caafimaad oo taborucaad ah ka fuliyaan Puntland, sanadkii 2010 ayay ahayd markii ay dhakhaatiirtu Puntland yimaadeen markii ugu horeysay waxaana la xasuustaa 11 cisho oo ay wadanka joogeen ololihii caafimaad ee ay fuliyeen kaasi oo ay 4000 oo qof u sameeyeen daaweyn iyo qaliimo kala duwan. Dad badan ayaa aad ugu caafimaaday mana jirin qaliin iyo daaweyn ay ku fashilmeen taasna waxay keentay inay dadku mar walba wasaaradda waydiiyaan goorta ay soo noqonayaan dhakhaatiirtu, wasaaraddu waxay aad ugu dadaashey inay codsiyo badan u gudbiso dhakhaatiirta ka socday Ururka rajada (UHDER) iyo dowlada Turkeyba iyadoo codsanaysay wasaaraddu inay mar kale caawiyaan shacabka Soomaaliyeed codsiyadaas oo ay dhakhaatiirtu qadariyeen ayay ku faafiyeen Soomaaliya oo dhakhaatiirtan raxan ka mid ah waxay ka shaqo bilaabeen Muqdisho.

Daawo Sawirada

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka

 

 

webmaster@ceegaag.com