shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalka Gaalkacayo ee laba qarxay shalay iyo doraad oo manta istaagay balse dil gaadma ah loo gaystay taliyihii Daraawiishta Puntland.

(Gaalkacayo, Sep 03,  2011 Ceegaag Online)

Kadib dilal gaadma ah oo ka socday magaalada Gaalkacayo sadexdii sano ee la soo dhaafay ayaa maalintii khamiista ee bisha Sep 01, 2011, waxaa ka bilowday dagaal qadhaadh oo u dhexeeya beesha Leelkase iyo maamulka Puntland.

 Dagaalkan ayaa waxaa ku nafwaayay dad ay tiradoodu kor u dhaafaso ilaa kow iyo toban ruux inta la hubo ku waa soo ka soo wada jeeda ciidamada Puntland iyo shacabka Leelkase, ee magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii loo maaro waayay dilalka qorsheesan ee lagu gumaadayay saraakiisha maamulka Puntland, saraakiishaa oo badanaa ay dilal gaadma ah ugu geesanayeen magaalada Gaalkacayo dad aan haybtooda la garanayn, balse iminka u muuqda in maamulka Puntland dusha u saaray beesha Leelkase.

 Warar xog ogaal ah oo naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in dagaalkan hada ka bilowday Gaalkacayo uu yahay mid xaalad abuura oo laysaga hor keenayo maamulka Puntland iyo beesha Leelkase.

 Maamulka Puntland ayaa ciidamo horleh geeyay Gaalkacayo halka ciidamo beeleedyo iska soo abaabulay baadiyaha iyo magaalada Galdogob soo buux dhaafiyeen xaafada Garsoor ee galbeedka Gaalkacayo.

 Dhanaca kale waxaa saaka dil gaadmo ah koox dablay ahi ku dishay Allaha u naxriistee taliyihii ciidamada Daraawiishta ee maamulka Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ilka Dheere xilli uu ku sugana aggagaarka Hotelka Fidni Center ee magaalada Gaalkacyo.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com