shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baaq Nabadeed ay soosaareen dhamaan Isimada, odayaasha, aqoonyahanada, haweenka ganacsatada iyo dhalinyarada Beelaha Meheri –Soomaalaya kaa soo ay ka soo saareen Dagaalkii dhawan ka dhacay Magaaldada gaalkacyo gaar ahaan xaafadda Garsoor   

(Gaalkacayo, Sep 05,  2011 Ceegaag Online)

Shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Beelaha MEHERI oo ay ka soo qayb galeen qaybo ka mid ah Isimada, Aqoonyahanada, Odayaasha, Dhallinyarada, Ganacsatada iyo Haweenka ayaa waxaa looga hadley  dagaaladdi lagu dhamaaday  ee ka dhacey Magaalada Gaalkacyo maalmihii la soo dhaafey. 

Shirkaan ayaa ka dhacay Magaaladda Gaalkacayo iyadoo qadka taleefanka ay kaga qeyb qaadanayeen Qurbajoogta ku nool daafaha  Caalmaka ee Beesha Meheri Soomaal, Waxaynu Beesha soo saartay Baaqyo kala Duwan oo ka Kooban Qodobaddaan hoosta ku qoran:-

 

1.      Waxaan aad uga xunahay dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee lagu qaaday xaafadda Garsoor, oo lagu daadiyay  dhiiga xurmada leh ee dadka riximka, Muslimiinta, iyo  walaahahaba ah, intaba

2.      Waxaana aaminsanahey in dagaalkaasu yahey mid xaaraan ah, dhaqan iyo sharciba isla markaana ah mid xeer dhaaf ah, Kaa soo Burbur inuu horseedo mooyee aan laga faa'ideyn wax horumar ah

3.      Waxaanu  tacsi u diraynaa dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii aan waxba galabsan ee dagaalkaas ku hoobtay, waxaanu leenahay  Ilaahay Marxuumiintaas haka waraamiyo Janatil Fardowsa intii dhaawacantayna Caafimaad saliim ah, ha ugu bedelo Aaamiiin.

4.      Waxaa ku baaqaynaa hadii aan nahay beesha Meheri, waliba cod dheer ku sheegaynaa in laga daayo Xabada xurmo daradda iyo gulufta colaaleedna la joojiyo, lana bilaabo wada hadal degdeg ah oo mira dhala iyadoo lagu xalinayo wada xaajood iyo gogol ay ku dheehan tahay xaqiiqo raadin rasmi  ah.

5.      Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo barakaca socda ama ka bilowday dagaalka waxaa dadkana ugu baaqaynaa in ay guryahooda ku soo noqdaan,  waxaa la qeybsanaynaa xanuunka soo gaaray walaalaha aan daris iyo dhaqan wadaaga nahay ee Beesha Tanade Darood ama Leelkase.

6.      Beesha Meheri waxay diyaar u tahay in ay gogol nabadeed u fidiyaan dhinacyada dagaalku dhexmaray anagoo jecel inaan kaalin libaax ama wax ku ool ah ka qaadan doono dhexdhexaadinta dagaalkan Garsoor.

7.      Beesha Meheri waxay ku baaqaysaa dadka kujira abaabulka Dagaalka inay ka waantoobaan colaadiyo gulufna aysan keeneen wax horumar ah inay wiil hadda nool in lagu waayo maahee oo reero ay ku gablamaan sidaa darted dadkaas aan soo sheegnay waa inay ka waantoobaad.

8.      Waxaan mar labaad idin xasuusinaynaa dhammaan qaybaha dagaalamaya iyo dadwaynaha Soomaaliyeed gaar’ahaan reer Mudug in dhiiga muslimiinta xaqdaro lagu daadshaa ay tahay  xaaraan, qofna  aysan u banaanay inuu si sharci daro ku daadiyo dhiiga walaalkiis kale oo muslim ah Ilaahayna ayaa maalinta Qiyaamaha kala xisaabtami doona Qof walbe wuxuu gaystay iyo kaalinta uu ka qaatay daadinta dhiig walaalaha Muslimiinta ah,

9.      Waxaa idin xasuusinaynaa mar labaad in ay Gaalkacyo dib ugu noqon wixii ay horay uga soo kabsatay nabada degaankana ay tahay Muqadas qof walbe oo Islaam ah ama dagan gobolka inuu kaalintiisa ka qaato.

Afhayeen Beesha Meheri Qaaradda Yurub

Cisman Warsame Rooti

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com