shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aqoonyahan Jamaal X. Cali Cilmi ayaa soo dhaweeyay geeddi-socodka iyo  tallaabooyinka ay qaadeen Guddiga xaqiiqo raadinta arrimaha Dhulbahante.

(Edmonton, Sep 10,  2011 Ceegaag Online)

“Waxaan soo dhawaynayaa tallaabooyinka ay qaadeen guddiga xaqiiqa raadinta Dhulbahante iyadoo in badan laga dhaga adaygay tubta kaliya ee Dhulbahante ku midoobikaraa in ay tahay iyadoo si dhab ah looga wada hadlo arrimaha wiiqay midnimada iyo horumarka beelwaynta Dhulbahante cid walba oo ay khusaysana lagala hadlo hadduu joogo Soomaaliland iyo hadduu joogo Puntland.”. ayuu yidhi Jamaal x. cali oo ka mid ah aqoonyahannada beesha Dhulbahante ee ku nool qurbaha.

“Waxaa hubaal ah in la soo gaadhay xilli Dhulbahante meel walba oo uu joogo garwaaqsaday in shakhsi ama  qabiil gaar ahi aanu maroorsan karin talada Dhulbahante meeshii uu doonana ku dari Karin”.Mar aan wax ka waydiinay ujeeddada loo qabanayo shirka gudaha Soomaaliya ka dhacaya ee Dhulbahante ayaa waxa uu ku jawaabay “shirkan la doonayo in la qabto waa shir wadatashi ah waxna layska waydiinayo dhibaatada beesha haysata, balse maaha aniga ogaalkay shir lagu dhisayo maamul gaar ah oo beeshu yeelato”

Jamaal Xaaji Cali ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in shirguddoonka shirka laga ilaaliyo madaxda dhaqanka ee  Dhulbahante maaddaama ay shirarkii hore ee fashilmay ay gadhwadeen ka ahaayeen islamarkaana ay wakhtigan xaadirka ah ku kala aragti duwanyihiin shirkan lagu wado in uu ka dhaco carro Dhulbahante.. “waxaan aaminsanahay in shirguddoonka shirkan loo daayo aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta hadda gacanta ku haya islamarkaana lagu ixtiraamo meesha ay u qoondeeyaan in gogosha shirka la dhigo ka dib marka ay soo gabagabeeyaan guddiga xaqiiqa raadintu socdaalkooda. “madaxda dhaqanku ducada furitaanka iyo ducada xidhitaanka shirka ayay leeyihiin sidaasaa iyagana u eed yar, shirkana u wanaagsan ayuu sii raaciyay Jamaal hadalkiisii.

Jamaal ayaa  uga digay  guddiyada qabanqaabinaya shirka in aysan ku faragalin beelaha Dhulbahante ergooyinka shirka uga qaybgalaya, haddii ay qurbajoogta tahay iyo haddii ay gudaha dalka  tahayba sidii horay u dhici jirtay, taas oo saldhig u ah in aan lagu najixin shirarkii hore ee dhabar-taabashada ahaa.

Ugu danbayntii Jamaal  ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in sida kaliya ee lagaga bixikaro khilaafka dhulbahante ku dhexjira ay tahay iyadoo laysu tanaasulo wixii lakala tabanayana si caddaalad ah loo lafaguro.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com