shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Fort McMurray oo ku guulaysatay Koobkii CIIDA ee lagu qabtay magaalda Edmonton.

(Edmonton, Sep 04,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ciyaaro kubadda cagta ah oo ay ku loolamayeen Afar kooxood oo ka kala socday magaalooyinka Edmonton (2 Teams), Fort McMurray iyo Calgary.

 

Koobkan oo ay hirgalisay ururka SCERDO ayaa waxaa Cayaartii kama danbaysta ah oo lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Joe Clarke Stadium ee magaalada Edmonton isugu soo baxay labadii kooxood ee ka kala socday magaalooyinka For McMurray iyo Calgary, Hadaba Kooxda Fort McMurray ayaa 1-0 (Hal iyo Eber) ugu itaal roonaatay Kooxda Calgary.

 

Waxaa ugu danbayn koobkii iyo billadihii loogu talogalay kooxaha Fort McMurray oo koobkii hantiday iyo kooxda Calgary oo kaalinta labaad gashay lagu sharfay in uu guddoonsiiyo  Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo ah guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka SCERDO isagoo halkaas dardaaran uga soo jeediyay dhammaan dhallinyaradii ka soo qaybgashay tartankaas iyo ciyaartooydiiba.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com