shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda.

(Edmonton, Oct 11, 2011 Ceegaag Online)

Roob mahiigaan ah oo biyo galiyay baraagaha Ceegaag iyo balliga wayn ayaa  xalay ka da’ay degmada Ceegaag ee dalka Soomaaliya.

Mar shabakadda Ceegaag Online isku dayday in ay wax ka ogaato tayada roobkaasi ku da’ay degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda ayaa naloo xaqiijiyay in roobkaasi ahaa mid mahiigaan ah  isla markaana si wayn dadka iyo xooluhuba ugu diirsadeen.

Guud ahaan deegaanka ku xeeran degmada Ceegaag ayaa waxaa dulheehaabaya raxmaadkii DAYRTA oo si wayn dadwaynaha deegaankaasi u dhawrayaan iyadoo ay jirtay baqdin laga qabay in Dayrtani noqoto sida kuwii kal hore oo ahaa kuwo aan biyo iyo baad toona laga dhaxlin.

Wixii ka soo kordha raxmaadkaas kala soco Ceegaag Online.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com