shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Raysalwasaare Erdogan Oo Hooyadii Geeriyootay Iyo Bahda Ceegaag Online Waxa Ay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Qoyka Iyo Qaraabada Reer Erdogan

(Istanbul, Oct 07, 2011 Ceegaag Online)

Waxaa maanta geeriyootay Allaha u naxariistee hooyo Tenzile Erdogan oo ah Raa’isal Wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan hooyadii, iyadoo ku geeriyootay cisbitaalka Istanbul Medipol Hospital.

Allaha u naxariistoo hooyo Tenzile Erdogan, ayaa waxaa dhawr cisho ka ka hor lagu sameeyay qaliin, xilligaasoo uu cisbitaalka uu ku soo booqday wiilkeeda Rajab Dayib Ordogan, isla-markaana waxay geeriyootay iyadoo da´deedu ahayd 83 jir. Raa’isal Wasaare Rajab Dayib Ordogan oo safar shaqo uga maqnaa dalka Turkiga, ayaa wuxuu si deg deg ah uu ku joojiyay safarkiisa, isla-markaanaa wuxuu dib uu ugu soo laabtay magaaladda Istanbul oo ay maanta ku geeriyootay hooyadii.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com