shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mashruuca Magaalaynta ee Ceegaag oo daboolka laga qaaday

(Ceegaag, Oct 18, 2011 Ceegaag Online)

Kadib markii lagu guulaystay in laba ceel-biyood laga hirgaliyo Ceegaag, ayaa waxaa miiska lasoo saaray Mashruuca Magaalaynta Ceegaag oo habacsanaan ka soo gaadhay Biyo la’aanta deegaanka. Mashruucan ayaa laga bilaabayaa Ceegaag sida aanu ka helnay ilo wareedyo aanu kalsooni buuxda ku qabno waana sidan mashruucu.

Tusaale:

  1. Dhisida wado-lugeedyo 7 kun oo iskuweer Foodh ah..
  2. 3 hektar oo barxad doogeed ah siiba agagaarka baliga.
  3. 4 kilometer oo dabgalin korotayn ah.
  4. 2 kilometer biyo galin ah.
  5. Boosaneerooyin casri ah.
  6. 1 kilometer oo PVC tuubooyinka bulaacadaha ah oo wata biyo qabatinadooda.
  7. Aalada isgaadhsiinta oo iskeed u madax banaan dhinaca Talefoonada gacanta iyo kan guryaha iyo aalada shabakadaha Qaybayaasha.

Dhinaca kale waxaa la adkayndoona sharciga dhulka oo aa marnaba la dhaafin doonin 400 ee boos ee horay loo cayimay iyada oo 100 guri oo ilaa 30 kamida dhaqaalahoodu hada diyaartahay laga hirgalinayo magaalada si loo dhamaystiro bilicda magaalanimo ee Ceegaag.

Waxaa kale oo isna la dhamaystiriyaa mashuuruucii kaydinta biyaha roobka iyada oo loo isticmaali doono waraabka rusheenta magaalada iyo waraabinta Duurjoogta Ceegaag siiba Daayeerada Goriilayaasha ah.

Eng. Xuseen Fiin

Boston, USA

 

 

 

webmaster@ceegaag.com